Radio Aftahan: Dhegayso Shir Jaraa’id oo ay wada qabteen Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo Madaxda Weftiga Kenya

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Weftigii ka socday dalka Kenya ee maalintii shalay dalka booqashada ku yimid. Halka sidoo kalena ay weftigu ka qayb galeen kulan labada gole ee baarlamaanku si wada jir ah u qabsadeen maanta.

IMG_5838

Kulankaasi markii uu soo gebo-gaboobay ayey Shir jaraa’id madaxtooyada ku wada-qabteen Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo Hoggaamiyaha Weftiga ka socda Xukuumadda iyo Baarlamaanka dalka Kenya, waxaanay kaga hadleen arrimo kala duwan oo door ah iyo sida ay Somaliland uga xuntay Dacwadda Maxkamadda ICC kaga socota Madaxweynaha Kenya, qodobbo kale iyo waxyaabaha ay labada dhinac ka wadahadleen.

Codka Shirka Jaraa’id ee ay wada qabteen labada dhinac oo dhammaystiran halkan hoose guji si aad u dhagaysato codkaas.

Aftahannanews.com

Hargeysa/Somaliland.