Fannaan Khadar Ilkacase Heesta “Xilkas Dumar” Erayada C/Fataax Mursal & Musiga Maxamed Xaaji

Hargeysa(AFNS:- Hees cusub oo uu soo saaray Fannaanka Codka Macaan ee Khadar-ilkacase, ayeynu ku soo qaadanaynaa Qaybta Dhaqanka iyo Suugaanta ee Warbaahinta Aftahannews.com. Heesta cusub oo Hal-ku-dheggeedu yahay; “Xilkas Dumar ama Xilo-janno”.

Erayada Heesta waxa curiyey Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo u sameeyey ama ugu talo-galay Marwadiisa Farduus Xaashi Cumar (Marwo-Amiira), waxaana Laxanka ku ladhay isla Fannaanka Qaadaya Khadar Xuseen Cali (Ilkacase), Musiga waxa raaciyey oo Tumay Maxamed Xaaji Xasan, waa Duubistii iyo Soo Saaristii 3M Media Production and Studio oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Heestaas iyo Hab-dhaceeda ama qaabka uu Fannaanku ugu luuqeeyey iyo Heerka Erayada Ammaanta loo xulay ee ay Xambaarsantay iyo Naxweheedaba-, aan idiin kala baxo idinka iyo Fannaanka iyo Heestaas oo aad kala degi kartaan ama kaga bogan kartaan Muuqaal-dhegaysigan hoose ee ka bogasho habboon:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland.