Masuul Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Lagu Eedeeyay in Uu Musuqmaasuqay 100 Million.

AftahanNews{Ceerigaabo} Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Sanaag Ayaa Bulshada Gobolkaasi Ka Deyrinayaan Xaalada ay Ku Sugantahay Wasaaradii caafimadka,iyadoo Masuulkii ugu Sareeyay ee Wasaaradaasi Naasir Cabdiraxmaan Maxamuud Lagu Eedeynayo in Uu Ku Kacay Musuqmaasuq Baahsan,ku Tagri Fal Awoodeed,Waxqabad La,aan iyo Gabi Ahaanba Doorkii Ay Ku Lahayd Caafimaadka Gobolka Oo  Meesha Ka Baxay
Xukuumadii Hore ee Hogaaminayay Madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo Ayaa Cisbitaalka Guud Ceerigaabo ku maal galisay lacag dhan $3.4 Million Taas oo Loogu Talo Galay Dib u Dhiska Cisbitaalka,Qalabeynta,Tayeynta Shaqaalaha iyo in Bulshada Gobolku Hesho Daryeel Caafimaad Oo Tayadiisu Sareyso
Sidoo kale Waxaa Markii ugu Horeysay Cisbitaalka ka Hawl Galay Dhakhaatiir,Shaqaale ay Bulshada Gobolku Mahadisay Muddo Kooban,iyadoo Xarumaha Kale Ee Caafimaadka Gobolku Ay Dardar Xoog Leh ku Shaqeynayeen ayaa hadaba Mudooyinkii ugu Danbeeyay Waxa Gabi Ahaanba istaagay Shaqadii Ka Socotay Goobaha Caafimaadka Ee Gobolka Sanaag Gaar Ahaan Cisbitaalka Guud Ee Ceerigaabo Oo Maraya Heer Ay Dhakhaatiirtii ka Hawl Galaysay Ka Dareeraan taas uu sababay masuulkii ugu sareeyay wasaarada caafimadka gobolka sanaag Naasir Cabdiraxmaan Maxamuud uu Caqabad ku noqoday shaqadii hawl wadeenada cafimaadka gobolku ka hayeen goobaha caafimadka gobolkaas
sidoo kale Masuuliyinta iyo Hawl Wadeenada Caafimaadka Ee Gobolka Sanaag Ayaa Wararku Sheegayaan in Shaqadii ay Hayeen uu Caqabad ku Noqday isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Sanaag   Oo Ay Ku Eedeeyeen Naasir Cabdiraxmaan maxamuud  in Uu Ku Kacay Musuqmaasuq Baahsan Oo Xadhkaha Goostay.isla markaana caqabad ku noqoday Guud ahaanba shaqadii ka socotay goobaha caafimadka ee gobolka Sanaag 
isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Sanaag Naasir Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa La Sheegay in U Lunsaday Lacag Dhan 100 Million Oo Shiling Somaliland Ah Sidoo Kalena Waxa uu Leexsaday Mushruuc Ay Hayada Horumarinta Wadooyinku ugu Talo Gashay in Lagu Talaalo Shaqaalaha Wadada Sanaag iyo Togdheer Oo ku Saabsanaa Talaalka “HABITATSKA” Ama Ka Hor Taga Beer Xanuunka,Waxa Kale Oo La Sheegay in Uu Dawooyinkii Xukuumadu ugu Talo Gashay Gobolka Sanaag Uu u Leexiyay Cisbitaal Gaar Loo Leeyahay Oo Ku Yaala Ceerigaabo
Ugu Danbeyn Bulshada Gobolka Sanaag Oo Ka Aradan Baahiyihii iyo Doorkii Shaqo Ee Wasaarada Caafimadku Ku Lahayd Guud Ahaan Gobolka Ayaa Xukuumada Madaxweyne Biixi iyo Wasiirkiisa Caafimaadka Oo Waqti Xaadirkan Ku Sugan Gobolka Sanaag ka Sugaya in Ay Wax ka Qabtaan Shakhsiga Carqalada iyo Curyaaminta Ku Wada Shaqada iyo Adeegii Caafimaadka Ee Gobolka Sanaag.