Maayerka Magaalada Turku ee dalka Finland oo Khudbad ka Jeediyey Jaamacadda Gollis ee Berbera

Berbera(Aftahannews):- Maayerka magaalada Turku ee dhinaca xeebta koonfur galbeed ee Finland, oo ka tirsan gobol,a Finland Proper. Seppo Lehnin oo ay wehiliyeen ku xigeenkiisa oo ah gabadh dhalasho ahaan kasoo jeedda Somaliland Xildhibaan Rooda Xasan iyo Dr Maxamed Cirro oo isna ahaa xildhibaan hore oo ka tirsan golaha deegaanka ee Turku ayaa khudbad dheer u jeediyey ardayda jaamacadda Gollis Berbera.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Xaflad ay jaamacaddu soo diyaarisay oo lagusoo dhawaynayay weftigan mayor Seppo Lehnin hoggaaminayo ayaa lagu qabtay hoolka way nee jaamacadda. Waxa kasoo qayb galay guddoomiyaha jaamacadda Gollis Berbera Xildhibaan Naasir Xaaji Cali, hormuudka kulliyadda Dhaqaalaha iyo Siyaasadda ee Jaamacadda Gollis Berbera Mr Cabdirisaaq Cabdilaahi Aaadan iyo maamulka iyo ardayda jaamacadda.

Ugu horrayn guddoomiyaha jaamacadda Gollis Berbera, Xil. Naasri Xaaji Cali ayaa hadal mahadnaq iyo soo dhawayn isugu jira ku furay xafladda, “ si aad iyo aada ayaan usoo dhawaynaynaa weftigan uu mayor Seppo Lehtinen hoggaaminayo, isaga iyo xildhibaan Rooda Xasan iyo Dr Maxamed Cirro aad baan usoo dhawaynaynaa.” ayuu yidhi.

Waxa uu guddoomiyuhu ka sheekeeyey maraaxilkii kala duwanaa ay jaamacaddu soo martey. Waxa uuna yidhi; “Jaamacadda waxaanu furnay 2009- waxa ka qalin jebiyey laba dufcadood, wakhtigaa nasoo maray wuxuu lahaa hawlihiiisa, immika waxaanu maraynaa meel aad u wanaagsan”.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay mayor Seppo Lehtenin, waxa uuna u mahad celiyey maamulka jaamacadda iyo ardayda jaamacadda oo si diiran usoo dhaweeyey. “ aad baan ugu mahadcelinayaa guud ahaan reer Somaliland oo si diiran meelkasta noogu soo dhaweeyey, idinkana jaamacad ahaan si gaara baan idiinku mahadcelinaynaa.”

Waxa uu ku waaniyey dhalinyarada Somaliland in ay iska daayaan tahriibka oo dalkooda aaminaan “ halkan waxa yaala shaqooyin badan oo aad abuuri kartaan, waxaan aad uga xunahay in saxaraha iyo badaha ay ku dhintaan dhalinyaro badan, iyagooo aan ka cabanayn gaajo ka keentey guryahoodii, laakiin raadinaya nolol ka wacan ta wadankooda Somaliland.”

Wuxuu sheegey in xittaa Yurub immika aanay ahayn sidii hore “ Yurub waxba ma yaalaan immika, waxa taalla nolol adag oo iyaba rafaad iyo dedaal dheeri ah idiinka baahan, taa bedelkeeda waxa idiin dhaanta idinkoo wadankiina aamina.”

Wuxuu sheegey inay iyaba sannado badan u samreen inay helaan xoriydood oo dedaal badan kadib ay heleen. “Halkani waa meel amaana, markii hore waxaan u haystay in Somaliya iyo Somaliland isku mid yihiin, laakiin immika waxaan ogaaday in ay aad u kala duwan yihiin, Somaliland waa dad wax qabsaday maanta laga bilaabo waxaan dadkaygii u sheegi doonaa inaad ka duwantihiin Somaliya”.

Wuxuu sheegey inuu taageeri doono qaddiyadda madaxbanaaninda Somaliland wuxuuna tidhi mayor Seppo. “Markaan halka ka tago, 7cisho kadib waxaan tegi doonaa xarunta Yurub looga taliyo, halkaa waxaan ku arki doonaa madax badan oo Yurub ah, waxaan ka akhrin doonaa khudbad dheer oo ku saabsan waxaan kusoo arkay Somaliland waxaanan tusi doonaa sawirada aan qaado.”

Xildhibaan Rooda Xasan ayaa iyana khudbad sacab badan u dhacay ka jeedisay munaasibada, waxana ay ka sheekeysay siday ugu guulaysatay inay xildhibaan ka noqoto wadan aanay ku dhalan una dhalan, isla markaana la doorto markii afraad.

“Waxaan Xildhibaan ahay sannadkii 13-naad, waana markii afraad ee la idoorto, wax waliba waxay ku xidhanyihiin sidaad u dedaasho, waxaan idinku dardaarayaa inaad wax barataan oo dalkii u shaqaysaan, markii aan galayay siyaasadda Finland waxa u jeedooyin kayga ka mid ahaa in aan dalkayga hooyana wax u qabto.” ayay tidhi.

Ugu danbayn suaalo dhawra oo dadkii kasoo qayb galay ay waydiiyeen ayuu dhamman ka jawaabay Mayor Seppo Lehtenin, waxana ka mid ahayd suaashan:

Waxaad u hadashay si dhiiran oo aanan ugu baran nimanka Yurub ka imaadda, maxaad ku keentay dhiiranaanta intaa lee gee aad kaga hadashay qadiyadda Somaliland iyo inaad ka shaqayn doonto?

“Annagu waxaanu nahay dad dhiiran reer Finland, ma nihih dad wax gumaysta sida UK iyo France, kuwasina waa dad wakhtigoodii dhammaaday, la gaban maayo in aan taageero qaddiina, wixii aan ka qaban karana waan ka qabanayaa” ayuu kaga jawaabay.

saedmgahair@hotmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.