Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay Wefti ka socda dalka Kenya

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Weftigii ka socday dalka Kenya ee maalintii shalay dalka booqashada ku yimid. Halka sidoo kalena ay weftigu ka qayb galeen kulan labada gole ee baarlamaanku si wada jir ah u qabsadeen maanta.

IMG_5752

IMG_5745

IMG_5817

Kulankii uu Madaxweynuhu ku qaabbilay weftiga ka bacdi ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibeddu wwaxa uu ka warbixiyey waxyaabahii uu Madaxweynahu kala hadlay Weftiga, waxaanu sheegay in laga wada hadlay sidii labada madaxweyne ee Somaliland Iyo Kenya ay Booqashooyin ku tagaan labada dal.

Wasiir Maxamed Biixi waxa uu xusay in madaxweynuhu kala hadlay weftiga sidii dawladda Kenya ay gacan uga geysan lahayd dedaaladda aqoonsi raadinta Somaliland.

Weftiga waxaa sidoo kale Xafiiskiisa ku qaabbilay, Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland Md Maxamd Biixi Yoonis.Dhanka kalena xubnaha weftiga reer Kenya waxa ay kulammo la qaateen Mas’uuliyiinta shirkadaha Dahabshiil iyo Somcable.

Madaxa weftiga ka socda dalka Kenya Mss Aniya Kabita oo iyana kulamadaas ka dib saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay booqashadan ay ku joogaan Somaliland iyo qaabilaadda diirran ee ay la kulmeen, waxaanay xustay xidhiidhkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyey labada dal, kuna ballan-qaaday inay booqashadoodu marka ay u dhammaato ay dawladda iyo shacabka reer Kenya u gudbin doonaan horumarka iyo nabadgelyada ay ku talaabsatay Somaliland.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.