Maayerka Hargeysa oo Hor-tegay Guurtida, Shaaciyayna wakhtiga la Furayo Madaxtooyada Cusub

Hargeysa(Aftahannews):- Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco” oo maanta hortagay gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa waxa uu sheegay in aqalka Madaxtooyada Somaliland laga rarayo magaalada isla markaana laga dhisi doono degaanka Xaraf ee galbeedka magaalada Hargeysa halkaas oo iminka dhismihiisa ay ka wadaan ciidanka qaranka Somaliland.

Sidoo kale Maayarka Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in Xarunta guurtida laga dhisi doono koonfurta magaalada halka wakiillada laga dhisayo bariga magaalada.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.