Madaxweynaha DJibouti oo Xabsiga Dhigay Xaqlaha Shirkadda Oomaar

Jaamac Oomaar Seed oo Maalintii Afraad Ku Xidhan Xabsiga Gabbood+Ehelladiisa oo Laga Horjoogsaday Inay Booqdaan+Sababaha loo Aanaynayo Xadhigiisa

Djibouti(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xabsiga dhigay Guddoomiyaha ahna Mulkiilaha Shirkadda Ganacsiga ee Oomaar Trading Co. Ganacsade Jaamac Oomar Seed oo Ka mid ah Tujaarta ugu waaweyn Dalalka SOmalialnd iyo Djibouti. 

Ciidammada Jandarmaariiga loo yaqaan ee dawladda Jabuuti ay Ganacsade Jaamac Oomaar Gurigiisa ka soo qabteen Maalintii axaddii iyaga oo Ku xidhay xabsiga dhexe ee loo yaqaan Gabood. Ma Jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dawladda Jabuuti oo ku saabsan xadhiga ganacsadahan. Hase yeeshee, ilo wareedyo ku dhaw Ganacsade Oomaar ayaa Wargeyska Hubaal u sheegay in loo aanaynayo xadhigiisa Sigaar dalka Jabuuti la keenay dhawaan kaasi oo lagu eedeeyey Shirkadda inaanay habka sharciga u soo marin.

Dhinaca kalena waxa wararku tibaaxayaan in  xadhigiisa lagu xidhiidhinayo xidhiidh ka dhexeeyey isaga iyo nin kale oo ganacsade ahaa oo u dhashay dalka Jibouti balse hore dalka uga cararay ka dib markii xafiiltan dhinaca siyaasadda ahi dhex maray oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan Boorre. Ciidammada ayaa sidoo kale Albaabada u laabay xarunta ganacsi ee shirkaddaasi ku leedahay magaalo madaxda Jabuuti

taasi oo ilaa hadda xidhan.  

Ma jiro war rasmi ah oo Illaa xilligan ka soo baxay dhinaca shirkadda iyo dhinaca dawladda iyadoo warku intaa ku darayo in xataa eheladda  ganacsadahan loo diiday inay xabsiga ku booqdaan.

Sharikadda Oomaar Trading oo xarunteeda ugu weyni ku taallo Somaliland oo uu leeyahay ganacsade Jaamac Oomaar Seed ayaa ah shariikadda ugu weyn ee ka jirta Somaliland, waxaana ay dekedda berbera kala soo degta bishii hanti ka badan laba jeer marka la isku darro hantida ay ganacsatada kale ee Somaliland kala soo degaan, waxaana lagu tilmaama inuu yahay ninka ugu cashuur bixin badan markay noqoto ganacsiga ka shaqeeya Somaliland.

Xigasho Wargeyska Hubaal.