Kalluunku Muxuu faa’iido u leeyahay Carruurta?

Daraasadda ayaa sheegeeysa in Cunista kaluunka ee Caruurta lagu quudiyo ay faa’iido farabdan ka helaan waxa ayna ka hortagaan cudurada iyo mashaakilka Neefsashada ku yimaada ,kaluunka ayaa sidoo kale la ogaaday in uu kordhiyo heerka garashada Caruurta.

335877_heroa1-540x374 - Copy

Caruurta Kaluunka la siiyo waa ay ka garasho badan yihiin kuwa aan la’siisin ,ayaa lagu yidhi daraasaddan cusub oo dhowaan la sameeyay .

Daraasadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kaluunka sidoo kale u faa’iido u leeyahay dadka waaweeyn oo ay ka helaan Fitamiinaad gaar ahaan Fitimiinka Omega3 layiraahdo ,sidaa daraadeed dhakhaatiirta waxa ay ku talinayaan in la joogteeyo cunista Kaluunka oo ay si siman u wadaqaataan dadka waaweeyn iyo Caruurta todobaadkiiba laba jeer ugu yaraan.

Daraasadda ayaa sidoo kale inoo faa’iideeyneeysa in Cunista Kaluunka haljeer todobaadkii  faa’iido wax ku ool ah u tahay Maskaxda bini aadamka ,kana bad baadiso in maskaxda ay gaboowdo si deg deg ah.

Daraasadda ayaa muujinaysa

waxay ay mujisay daraasada in dadka isticmaala cunista kaluunka todobaadkii ay hoos udhigtay dhibatada ku timada maskaxda 10%

Dadka qaata cuntooyinka ka kooban kaluunka laba jeer ugu yaraan todobaadkii ay yihiin kuwo ay aad ugu yartahay in xanuuno dhanka maskaxda ah uu soo wajaho 13% laakin maamulka Quudinta iyo Dawada ee dalka Mareeykanka ayaa uga digeeysa haweenka uurkaleh iyo caruurta la jaqsiinaya naaska hooyada  in Kaluun mucayan ah ay qaataan sababtana waxa ay ku tilmaamtay in maadada Zi’baqa ay ku badan tahay.

Cabdiqaadir Askar

askars4@hotmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland