Afar Arrimood Oo Go’aamin Doonna Natiijada Ciyaarta England Iyo Croatia

Hargeysa, (Aftahannews)-Xulka qaranka England ayaa caawa ka hortegi doona Croatia ciyaar ka tirsan semi-finalka Koobka Adduunka oo midkooda guuleysta uu iska xaadirin doono Finalka oo uu la ciyaari doono Faransiiska.

Ciyaartan oo ka dhacaysa magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, ayaa waxay macallimiinta iyo

ciyaartooyada khubarada ah ee labada kooxood isku adeegsan doonaan maskax, farsamo iyo xoog, si uu  mid walba ugu dagaallamo inuu xaqiijiyo himilladiisa ah inuu gaadho faynalka.

Waxa aanu maanta halkan idiinku soo gudbinaynaa afar arrimood oo muhiim ah oo go’aamin doona natiijada ciyaarta, kuwaas  oo dalka ku gacan sarreeya ay hubaal tahay inuu si fudud ugu gudbi doono kulanka ugu dambeeya ee faynalka.

Luka Modric vs. Jordan Henderson: Furaha ugu muhiimsan ee ciyaartan waa labada ciyaartoy ee Luka Modric iyo Henderson oo khadka dhexe uga kala ciyaara labada xul ee Croata iyo England. Modric waa hal-abuuraha kubadda u sameeya Croatia ee inta ay ciyaartu socoto ikhtiraaca farsamo cusub iyo indho-dheeri uu kula socdo garoonka oo dhan ay isku raaceen. Intii uu Koobka Adduunku socday, waxa uu ahaa laacib si gaar ah isha loogu hayo oo dad qaarkood ay ku doodaan inuu u qalmo xiddiga adduunka amaba ugu yaraan ciyaartoyga ugu wanaagsan Koobka Adduunka. Waxa intaas u raacda, marka ay is garab taagan yihiin Ivan Rakitic, waxay qabsadaan khadka dhexe oo ay kaga xoog roonaadaan koox kasta oo ay soo wada ciyaareen Koobka Adduunka, waxaanay leeyihiin awood iyo caqli badan oo ay si fudud ugula xidhiidhi karaan weeraryahannada oo ay la socdaan dhaqaaq kasta oo ay sameeyaan kaddibna kubadda uga gaadhsiiyaan.

Dhinaca England, hal-abuurahooda tiirka dhexe ee Henderson ayaa ah tiir adag oo saamayn weyn ku leh bandhig ciyaareedka iyo natiijooyinkii u suurtogeliyey inay soo gaadhaan semi-finalka. Waa ciyaartoyga kaliya ee khadka dhexe ee dambe ee difaaca caawa, waxaase uu ku darsaday inuu kubbadaha dhiso oo ka ilaaliyo baaskiisa inuu khaldamo. Ciyaartan waxa uu u baahan yahay Henderson inuu sameeyo hal abuur badan iyo horumar si uu ula loollamo Modric oo khibrad ahaan iyo farsamo ahaanba ka sarreeya.

Bandhig-ciyaareedka labadan ciyaartoy waxay tahay furaha ugu horreeya ee ciyaarta oo midkooda gacanta sare yeesha ayaa ka caawin doona dalkiisa inuu fursado badan abuuro.

Harry Kane vs. Dejan Lovren: Ciyaartoyga ugu goolasha badan koobka adduunka ee Harry Kane ayaa dagaal fool ka fool ah kala hortegaya difaaca reer Croatia ee Lovren. Kulamadii ay iskaga hor yimaaddeen xili ciyaareedkii tegay iyaga oo kala metelaya Tottenham iyo Liverpool, Harry Kane waxa uu ku guuleystay inuu saddex gool ka dhaliyo, hase yeeshee, Lovren waxa uu xulka Croatia u noqday qalcad adag oo dhagax ah oo ay adag tahay in si fudud lagu jebiyo, waxaana garabkiisa taagan Domagoj Vida oo kalsooni geliya, isla markaana kaga fudud jallaafada laysku daadiyo ciyaaryahannada ee dhulka la raaco.

Harry Kane oo dhaliyey lix gool Koobka Adduunka, waxa garabkiisa istaagi doona Raheem Sterling oo orodkiisa ku caawin doona si ay u jebiyaan difaacyahannada Croatia, taas oo Kane ka caawin doonta inuu helo fursado uu kusii badsado goolashiisa, kabta dahabka ahna ku qaato, haddiise difaacyahannadu ka gacan sarreeyaan, waxay ka dhignaan doontaa in England jabtay.

Mario Mandzukic vs. John Stones: Waa siday tahay ciyaartu, waana khasab in weeraryahanka wanaagsan lagu

xidho difaac adag oo u diida inuu goolkiisa usoo dhowaado.

Weeraryahanka awoodda badan ee aan daalin ee Mandzukic, waxa uu kusoo bilaaban doonaa safka hore ee xulka qaranka Croatia, hase yeeshee waxa dagaal toos ah la geli doona difaaca adag ee John Stones. Haddii ay dhacdo inuu ka baxsado Stones, waxa sugaya Harry Maguire ama Kyle Walker oo labadoodaba ay adag tahay in si fudud loo dhaafo.

Dagaalka Mandzukic iyo Stones, waxa uu qayb weyn ka qaadan doonaa ciyaarta, midkooda ku gacan sarreeyana waxay ka dhigan tahay in dalkiisu guuleysanayo.

Goolhaye Danijel Subasic vs Ciyaartooyada England ee rikoodheyaasha laagta: Iyadoo hubka ugu weyn ee England isticmaasho ee goolasha ay ku dhaliyaan ay yihiin kubbadaha dhinacyada laga keeno sida koorneyaasha oo ay madax ku dhaliyaan, haddana lama odhan karo ciyaartu sidaas ayay u dhici kartaa, waxaana suurtogal ah inay rikoodheyaal tagto sida kulankii Colombia.

Croatia waxa goolka ugu jira goolhaye khabiir ah oo lagu magacaabo Subasic oo saddex rikoodhe ka qabtay Denmark wareeggiii 16-ka, sidoo kalena hawada u diray Ruushka, taasina waxay naxdin ku tahay ciyaartooyada England ee laagan doona rikoodheyaasha haddii laysla gaadho.

Khadar-Jacayl

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.