“58 Sano ayeynu God ku jirnaa ay tahay inaynu ka Hinqanno, Madaxweyne Muuse Biixina waxaan leeyahay…” Boobe Yuusuf Ducaale

BOOBE YUUSUF DUCAALE OO TALO U JEEDIYEY MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI 2018

Hargeysa(Aftahannews):- Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa ka sheekeeyey Taariikhdii doorasho cod iyo qof ah ee ugu horreeyey ee ka dhaca Somaliland Lixdamaadkii doorkii ay kaga soo baxeen Xisbiyadii markaa jiray Dadka la Hayb-sooco iyo Haweenka oo toddobaadkii hore Golaha Wasiirrada Somaliland ansixiyeen in Kuraas Kooto ah loo xidho Dumarka iyo Beelaha la Hayb-sooco.

BOOBE YUUSUF DUCAALE OO TALO U JEEDIYEY MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu sheegay in Haweenaydii u horreysay ee Soomaaliyeed ee Cod ku soo baxda laga doortay Hargeysa 1963-kii Caasha Oomaar oo ka mid noqotay Golihii deegaanka ee Hargeysa wakhtigaas markii Xisbigeedu soo sharraxay, halka 1960-kiina Hargeysa Xildhibaan Baarlamaan looga doortay Maxamed Biixi Shuuriye oo ka tirsanaa Beelaha La-haybsooco, balse maanta halka la taagan yahay tahay mid ka duwan taas oo aanay Xisbiyadu lahayn awooddii ay wakhtigaas lahaayeen iyo nidaamkii ay xilligaas lahaayeen oo aan ku salaysnayn Qabiil iyo Jinsi.

Waxa uu Boobe sheegay inay Somaliland Dadkeedu siyaasad ahaan god ku jiraan 58 sannadood, sidaa daraaddeedna ay wakhti qaadanayso inta laga baxayo godkaas, isla markaana uu xal u arko go’aanka Golaha Wasiirradu kootada ugu xidhayaan Haweenka iyo Beelaha Gabooye, waxaanu Madaxweynaha u soo jeediyey inaanu halkaas kaga hadhin inuu Dadkaas kala dabbaasho Xaska iyo Caqabada kala duwan ee ku xeeran.

Boobe Yuusuf Ducaale, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland wakhtigii Siilaanyo oo arrimahaas si faahfaahsan ugaga hadlaya Shir Jaraa’id oo uu Maanta Warbaahinta qaarkeed ugu qabtay Hargeysa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Hargeysa/Somaliland