Wax ka baro Agab Dhaqameedkeenii hore: Qaybtii 1-aad Diyaarinta Abwaan Afgaab

Waxa innoo soo diyaariyey Faysal Xiis Weerar(Afgaab)…Hargeysa(Aftahannews):- Ummad waliba waxay leedahay Agab dhaqameed soo jireena oo ku xidhiidhsan sooyaal taariikheedkeeda nololeed ee lama taabtaanka ah  hadaba bulshadeena Somaliland oo asal ahaan kasoo jeeda xoolo dhaqato reer guuraa ah  iyo beeralay waxaynu lahayn Agab aynu u adeegsano nolosha qoyska gudihiisa Agabkaas oo isugu jira Weel,Gogol qaybaha noocyada dhismaha guriga taas oo u baahan in laga ilaaliyo dabar go’a.

Hadaba qormadeena dhaqanka iyo suugaanta ee  maanta  waxaan kusoo qaadan doonaa qaybo ka mida Agab dhaqameedkeenii hore si ay wax uga bartaan da yarta reer Somalilnad ee maanta oo aan intooda badani nasiib u helin inay arkaan ama ay adeegsadaan.

 1.Fandhaal

Ugu horayn halka aynu maanta ka isticmaalno waxa loo yaqaan malqaacada ama qaadada waxaynu ka lahayn Fandhaal ka samaysan Geed si wanaagsan loo qoray kaasoo ka saxa iyo caafimaadba wanaagsan ta birta ah ee aynu imika isticmaalno,waxaana jira nooc Fandhaalka ka mida oo si farshaxamaysan loo sameeyay oo labada dhanba wax lagaga cuno waa mid loogu talo galay Fandhaalkaasi marka dadku badan yahay inaan dhan qudha wax lagaga cunin balse labadii qofba ay wadaagaan kaa dhexda la qabsanayo ee qofba dhankiisa wax kaga cunayo.

 

2.Xeedho:

 Halka bilaydhku maanta innoogu jiro waxaa kaalintaa inaga kaafiyi jirtay Xeedhada oo ka samaysan geed la qoray oon lahayn dheeh jajabaya iyo saxa xumada ay birtu leedahay taasoo lahayd  wax yaabo   gaara oo loo adeegsado nadiifinteeda,cuntada lagusoo ridaana aanay lahaan jirin wax jeermis ah weelka ka dhalanaya martida aan xeedho lagu soorinna waxay ka dhignayd mid laga seexday noloshana waxay u ahayd tiir dhexaadka weelka miyi

 3.Haan:    

 halka maanta caanaha lagu keeno jitikaamo ka samaysan caagag oo nadaafadoodu aad u liidato isla markaana iyaga laftoodu gal dhaca doorsoona ku keena caanaha waxaan ka lahayn Haan wayn Haantaas oo inta la hogeeyo si aad u saraysana loo nadiifiyo kadib lagu shubi jiray Caanaha oo fareesha,hadhow marka Haantaa caanaha lagaaga shubana waxay ahaayeen kuwo aanad afka ka qaadayn macaankooda sababtoo ah waxay ahayd haantu Weel la cimilo ah bayada aynu ku noolnahay. Nadaafadeedu waxay ahayd oo haantaa lagu xali jiray qiiqa geedka Maygaaga oo lagu hogeeyo caanaha lagu lulaana hore ayay u cagaari jireen oo subag uga bixi jiray Haantoo  u kala baxda saddex Haanta wayn,iyo Dhiil.wax is bedel ahina kumay dhici jirin caanaha lagu dhigaa hadii ay mudo kasta yaallaan halka caaga maanta  caanaha lagu shubtaa uu isagu dhalan doorin ku sameeyo haday saacad qudha ku jiraan

 

4.Hadhuub:

 Halka maanta daasadda lagaga liso ee geeluba dido waxa uu lahaa oo lagu maali jiray Hadhuub ka samaysan qabo iyo moroh kaasoo nadaafadiisuna ahayd culay iyo hogayn laguna culi jiray geedka Maygaaga ama lagu hogayn jiray qiiqiisa kaasoo caanahiisu dhadhan iyo udgoonba lahaayeen isla markaana marka hadhuubka lagu dhamayo aan lagaba xiiso goyn jirin.

 

5.Barkin:

 Waa geed la qoray oo xaga sare ku leh qabatin wanaagsan oo la barkado oo u  samaysan qaab farshaxameed madax leeg oo aan lahayn barkin dhac,dheeli iyo wax la mid ah laakiin wuxuu ahaa mid caafimaad ahaan hurdadiisu qiimo wayn u lahayd nolosheena.

 

 Hadaba ummadeena reer Somaliland ma ku talo gashay inay soo celiso Agab dhaqameedkeenii hore mise waxay ka door bidday inay nolosha bac u adeegsato oo deegaan ahaan iyo dad ahaanba waxyeelo u leh caafimaadka innagoo ogsoon in maanta dunidu dib u casriyaynayso sooyaal dhaqameedkoodii hore ee Agab maxaa innaga inoo diiday inaan raad raac ku samayno Agabkeenii dhammaantii ka koobnaa Geedaha noloshana waxtarka  wayn u ahaa.

Waxaa loo baahanyahay in shicib iyo Dawladba layska kaashado horumarna lagu sameeyo noocyada kala duwan ee Agab waxaana lagama maarmaan ah  in dhiiri galin dheeraad ah ay  keento Wasaarada Horumarinta reer miyiga iyo  Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanku   oo labaduba hawshooda shaqo ay ka mid tahay dhiiri galinta iyo horumarinta dhaqankeen.waxaana hubaal ah haddii loo noqdo agab dhaqameedkeenii hore oo la dhiiri galiyo in lagaga raysan doono caafimaad darro badan oo weelka maanta aynu adeegsanbaa leehayay oo ay ugu horayso Bacdan wax kasta lagu qaadanayo iyo Caagga iyo Daasadda daxalaysanaysa ee caanaha lagu keenayo.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland