Ronaldo oo Rikoodh cusub Dhigay, Juventus Khatar ku jirta iyo Real Madrid oo u Gudubtay Wareegga 16 -ka

Hargeysa(Aftahannews):- Juventus iyo Real Madrid ayaa isku garab dhacay ka dib ciyaar xiiso leh oo Turin ku dhexmartay iyagoo isku dhaafi waayay barbaro 2-2 ah, xilli Cristiano Ronaldo uu rikoor cusub dhigay isagoo noqday ciyaaryahanka goolasha ugu badan hal sanno gudaheed ku dhaliya Champions League isagoo sannadkaan 2013 dhaliyay 14 gool.

Real Madrid

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dardar leh iyadoo xamaasada ciyaarta ay bilaabatay isla daqiiqadii ugu horeysay oo kubado degdeg ah ay ciyaarayeen labada kooxood. Madrid ayaana kubad counter-attack ah ay sameysay daqiiqadii 9aad waxa ay keentay in kubad uu si ciriiri ah goolka ku hareermariyo Ronaldo, halka sidoo kale Bale isna fursad uu ka badbaadiyay Buffon ka dib markii uu soo dhaafay Caceres.

Laakiin fursadaha Los Blancos ee qeybtii hore ee ciyaarta ayaa halkaas ku ekaa waxaana ciyaarta inta badan heysatay oo carcar aheyd Juventus kuwaasoo fursado badan abuuray.

Farsamo cajiib ah uu soo bandhigay xiddiga reer France Paul Pogba ayaa sabab u noqon laheyd in Pepe uu gool iska dhaliyo daqiiqadii 16aad laakiin waxaa badbaadiyay goolhaye Iker Casillas.

Real Madrid ayaana Casillas ku badbaaday mar kale ka dib markii uu kubad fantastik ah ka badbaadiyay Marchisio oo madax ku dhalin lahaa ka dib markii uu karoos fiican ka helay Tevez, waxaana Casillas uu kubada ku bixiyay lugtiisa.

Juve ayaana heshay hogaan ay u qalantay daqiiqadii 41aad ee ciyaarta markii kubad dhex bixis ah uu dhiibay Tevez uu qaatay Pogba laakiin waxaa xerada ganaaxa dhexdeeda qalad kula galay Varane iyadoo garsoore Howard Webb uu tilmaamay rigoore.

Waxa ay aheyd rigoorihii shanaad ee laga dhigo Real Madrid seddex kulan gudahood, waxaana u soo istaagay Arturo Vidal kaasoo geeska kore ee dhanka midig ee shabaqa kubada ka geliyay.

Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Todoba daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad Real Madrid ayaa heshay goolka barbaraha ka dib kubad hadiyad ah oo ay ka heleen Marti Cacares kaasoo kubad dhiibtay islamarkaana sababtay in Benzema uu kubada u dhigo Ronaldo oo isna si sahlan ku dabamariyay Gigi Buffon.

Goolkaas ayaana ahaa goolkii 14aad ee uu Champions League sannadkan 2013 ka dhaliyo Ronaldo waana rikoodh cusub, sidoo kalena waxa uu barbareeyay rikoodhka gooldhalinta wareega group-yada Champions League isagoo leh 8 gool, waxaana la wadaaga Ruud van Nistelrooy, Inzaghi iyo Crespo.

Afar daqiiqadood ka dib Xabi Alonso ayaa kubad gantaal aheyd oo uu ku tuuray goolka waxaa  u diiday dhalintiisa birta oo ka difaacday  ,

Daqiiqadii 59aad ayaana Juventus ay heshay fursad dahabi ah, kubad uu ka soo shaqeeyay Pogba ayaa waxaa helay Marchisio kaasoo dadaalkiisii ugu horeeyay uu ka badbaadiyay Casillas iyadoo kubadii ku celiska aheyd uu xariiqda goolka ka soo bixiyay Pepe.

Saacad markii ay socotay ciyaarta ayaana Real Madrid ay qabatay hogaanka ciyaarta markii Ronaldo uu kubad u dhigay Bale kaasoo isna si qurux badan u dhameystiray, waana goolkiisii ugu horeeyay ee uu Champions League u dhaliyo Real Madrid, waana goolkiisii shanaad ee Champions League iyadoo afar ka mid ah uu ku dhaliyay carrada Italy.

Shan daqiiqo ka dib Juventus ayaa ciyaarta ku soo laabatay oo heshay goolka barbaraha markii karoos uu soo dhigay Caceres uu madax ku dhaliyay Fernando Llorente xilli uu Varane ka labalabeeyay inuu madax kula baratamo.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah, taasoo ka dhigtay in Real Madrid ay lug la sii gasho wareega 16ka iyagoo leh 10 dhibcood, waxaana ku soo xiga kooxaha Galatasaray iyo Copenhaghen oo leh min afar dhibcood ka dib markii ay kooxda reer Denmark ku badisay 1-0.

Juventus ayaana halis ku jirta oo leh 3 dhibcood iyagoo ugu hooseya Group B.

Aftahannews.com

HargeysaSomaliland