Magacyada 27-ka xubnood ee Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha KULMIYE Oo Xalay La Ansixiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Xisbul xaakimka talada haya ee KULMIYE ayaa loollan adag iyo ismaan-dhaaf maalmihii u dambeeyey ka dhex oognaa kadib ku guulaystay xalay ansixinta Guddiga Qabanqaabada Shirweynihiisa saddexaad ee KULMIYE oo xubno cusub lagu biiriyey iyo kordhin lagu sameeyey tiradii hore ee Guddiga Fulinta xisbiga.

kulmiye_1

Fadhi saacado badan qaatay oo hoggaanka xisbiga iyo xubnaha Guddiga Fulintu ku yeesheen gelinkii dambe ee shalay ayaa cawayskii xalay laga soo saaray go’aan lagu soo afjaray khilaaf ka dhex oognaa xubno wasiirro ah iyo masuuliyiinta sare oo ay wehelinayeen aqlabiyadda Guddiga Fulintu, kuwaas oo isku maandhaafsanaa ansixinta 19 xubnood oo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi hore ugu soo xulay qabanqaabada shirweynaha 3-aad iyo sidii xubno looga siin lahaa Guddiga Fulinta ee KULMIYE ururradii doorashadii Golayaasha Degaanka ku hadhay ee ku biiray xisbul-xaakimka.

Kulan garnaqsiga ah oo ku qabsoomay guriga Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ee magaalada Hargeysa, isla markaana albaabadu u xidhnaayeen, waxa gunnaanadkiisii laga soo saaray heshiis rasmi ah oo dhinacyada is hayey ka gaadheen labada qodob ee xuddunta u ahaa khilaafkooda, waxaanna la isku raacay in 8 xubnood oo cusub lagu kordhiyo tiradii Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha ee hore Guddoomiyuhu u magacaabay oo tirada guud ka dhigtay 27 xubnood, halka la isla qaatay in Guddiga Fulinta ee xisbiga lagu kordhiyo 7 xubnood oo lix ka mid ahi ka kala tirsan yihiin ururradii RAYS, DALSAN iyo UMMADDA oo ku biiray KULMIYE iyo xubin loo biiriyey beesha Gobolka SOOL.

Shir jaraa’id oo si wada-jir ah xalay ay u qabteen hoggaanka iyo dhammaan xubnaha Guddiga Fulinta KULMIYE oo ay ka mid yihiin Wasiirrada qaybta ka ahaa khilaafka, ayaa waxa halkaa lagaga dhawaaqay heshiiska xisbigu ka gaadhay khilaafkii ka dhextaagnaa iyo magacyada xubnaha cusub ee lagu daray Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha 3-aad ee xisbiga.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isagu halkaasi ka akhriyey qodobadda heshiiska xisbigiisu ka gaadhay khilaafkii maalmahan u dambeeyey ka dhex aloosnaa, waxa uu yidhi;

“Shirar u socday Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE maalmihii u dambeeyey si loo hagaajiyo diyaargarowga shirweynaha xisbiga ee soo socda; Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE markii ay muddo lafa gurayeen oo aan guddoomiyey, markii aan dhegaystay soo jeedintii Guddiga Fulinta iyo hal-doorka xisbiga iyo cid kasta oo ay khusaynaysay, markii guddiga fulintu qoladayada hoggaanka u soo jeedisay in la kordhiyo tirada Guddiga Qabanqaabada oo markii hore ahayd 19 xubnood, kadib markii meelo badan cabasho ka timi haddii ay beelo tahay, waxaannu isla garanay;

v In Guddiga Qabanqaabada shirweynaha xisbiga KULMIYE lagu daro 8 xubnood oo tirada rasmiga ah ee Guddiga Qabanqaabadu noqoto 27 xubnood.

Guddiga Fulinta ee KULMIYE waxay ansixisay oo ay isku raacay in Guddiga Qabanqaabada shirweynuhu noqoto 27 xubnood, waxaanna codkii loo qaaday ogolaaday 31 xubnood, 2 kale way ka aamustay, guddoomiyuhuna ma codayn, sidaasi ayey ansax ku yihiin 27-kaasi xubnood inay noqdaan Guddiga Qabanqaabada ee shirweynaha KULMIYE.

v Qodobka labaad ee la isla qaatay waxa weeye, Guddiga Fulinta ee KULMIYE waxaannu kordhinay 7 xubnood oo aannu ka soo qaadnay ururradii RAYS, DALSAN iyo UMMADDA ee KULMIYE ku biiray. Waxa kaloo la buuxiyey 5 xubnood oo ka dhinaa Guddiga Fulinta oo ahaa wax dhintay iyo wax xisbiga ka baxayba oo tiradoodu noqotay 35 hore iyo 7 lagu daray oo isku noqonaya 42 xubnood.

Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Guddiga Fulinta ee KULMIYE dadaalkii iyo niyad-samaantii ay isku raacday.”

Muuse Biixi waxa uu farriin digniin ah u diray saxaafadda iyo xisbiyada mucaaradka ah oo ka dardaarwerinayey xaaladda xisbal-xaakimka iyo natiijada ka dhalan karta shirweynihiisa.

“Qoladiina saxaafaddu in badan waxaad tidhaahdaan dhul-gariir ayaa ka imanaya KULMIYE, horta KULMIYE xisbi dhul-gariir ka imanayo maaha, qaar saxaafadda ka mid ahi maalmahanba waxay doonaan ayey qorayeen oo qaarkood ayaan warka xun iyo beenta mooyee wax kale qorin, haddaanay xisbiyada kale doodda aqoonin, haddaanay xisbiyada kale sharciga isku qabsan, haddaan dad kale qayladooda la maqal KULMIYE caado ayey u ahayd markuu shirayo in dood kululi ka dhacdo.

Waxa kale oo aan u sheegayaa saaxiibadayada mucaaradka oo muddo iibinayey sariirihii baanu sii diyaarinay dhaawaca KULMIYE la dhigi lahaa iyo gurmadkooda ayaanu soo galaynaa, waxaan leeyahay sidaa aannu ku bilownay ayey ku dhammaanaysaa, horena waad u taqaaneen oo weligiiba KULMIYE oo shirayaa ma gariir-waayin, haddana natiijo fiicani kamay soo bixiwaayin, markaa waxaan u sheegaynaa qaranka iyo ummadda Somaliland waxa u dan ah KULMIYE inuu go’aan wanaagsani ka soo baxo, caawana (xalay) kii la rabay ayaa ka soo baxay.”

“Sidoo kale, qolooyinka mucaaradka iyo saxaafadda ee cimri-dherer ka dhigtay KULMIYE iyo xukuumaddu way is hayaan oo Ina Biixi, Ina Kaahin iyo qolada meesha lagaga tagay, waxaan leeyahay xisbiga KULMIYE Madaxweynihiisa, Guddoomiyihii iyo taageerihiisu horta talo midaysan ayey leeyihiin, taladaa caawa (xalay) la soo saarayna KULMIYE meel kasta oo uu joogo wuu u dhamaa Madaxweynaha ka soo bilow ilaa ka ugu hoseeya mid aanan dhegaysan codkiisa iyo talo-soo-jeedintiisa muu jirin, maanaan qaadan go’aanka ilaa intaan waday, markaa waxaan idiin sheegayaa xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu waa mid, xukuumaddu waa tii codka xisbiga lagu dhisay, hawlaheedana wuu ku kormeerayaa oo wuu ilaalinayaa, barmaamujkii xisbigana way ku socotaa,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxa uu u mahadnaqay xubnaha Guddiga Fulinta ee xisbiga oo uu sheegay inay u dhabar-adaygeen hawlo adag oo maalmihii u dambeeyey aanay habeen iyo maalin toona ka seexan si loo dhammaystiro u diyaargarowga shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE. Sidoo kalena waxa uu u mahadceliyey masuuliyiinta ururrada hadhay ee 7 xubnood loogu daray Guddiga Fulinta oo uu sheegay inay tanaasul wayn u sameeyeen marka la eego heshiiskii hore ay ula galeen xisbiga.

Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna shirkaasi jaraa’id hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in kordhinta guddiga qabanqaabada oo markii hore hoggaanka xisbiga, isaga iyo ilaa Madaxweynaha ay ku go’aamiyeen inay 19 xubnood noqdaa ay wadahadal iyo dood xisbigu yeeshay kadib daruuri noqotay in tiradooda la kordhiyo. Waxaannu tilmaamay in doodaha iyo in afkaarta la isku qabto uu xisbigooda KULMIYE caado u leeyahay ee aanay ahayn dagaal iyo wax ceeb ah.

Magacyada 27-ka xubnood ee Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha KULMIYE:

1. Aamina Yuusuf Aar

2. Faarax Yuusuf Nuur (Xadhigle)

3. Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Caalin

4. Abubajar Xaamud Jibriil

5. Sahal Maxamed Jaamac

6. Farax Faarax Cali

7. Dr. Cumar Cilmi Dixood

8. Cabdirisaaq Waabari Rooble

9. Xil. Saleebaan Cawad Bukhaari

10. Amaal X. Axmed Miisaan

11. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdi Giirre)

12. Xil. Maxamed Jaamac Cabdi

13. Xil. Siciid Cilmi Rooble

14. Cismaan Garaad Soofe

15. Xil. Maxamuud Axmed Obsiiye

16. Mustafe Faarax Dhoorre

17. Xil. Ibraahim Axmed Haybe

18. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

19. Xil. Maxamuud Jaamac Warfaa

Magacyada xubnaha cusub ee lagu kordhiyey

20. Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabiley)

21. Maxamuud Axmed Saalax

22. Yaasiin Maxamuud Cabdi

23. Ibraahim Cawke

24. Fu’aad Maxamed Cumar

25. Yuusuf Nuur Maxamed (Gurruuje)

26. Xasan Mowliid

27. Cabdiraxmaan Maxamuud Carraale.

Atahannews.com

Hargeysa/Somaliland.