Maraykanka oo sharraxay Joojinta Taageerada Millateriga Soomaaliya iyo Jawaabta Soomaaliya

Jim Mattis 2017

Muqdisho(Aftahannews)- Wasiirka Difaacada Dawladda Maraykanka Jim Mattis, ayaa ka hadlay sababaha xilligan ay dawladdiisu u hakisay taageeradii Dhaqaale ee ay siin jirtey Ciidanka Millateriga Federaalka Soomaaliya oo Khamiistii Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanku shaacisay inay hakisay ama joojisay.

Jim Mattis 2017

Waxa uu sheegay Wasiirka Difaaca Dawlada Mareykanka in sababta ay kaalmada uga hakiyeen Milatariga Soomaaliya uu yahay Musuq maasuq baahsan ka dhax jira hogaanka Ciidanka Milatariga.

Jim Mattis ayaa xusay dowlada Mareykanka xiligan kalsooni badan ku qabto in dowlada uu hogaamiyo Farmaajo soo afjari doonto musuq maasuqa iyo waxyaabaha ragaadiyay soo kabsashada ciidanka xooga Soomaaliya.

Wasiirka Difaacada Dawlada Mareykanka ayaa amaanay dadaalada Dawlada Soomaaliya ku dooneysyo in ay kula dagaalanto Musuq maasuqa Soomaaliya ka jira gaar ahaan kan ciidanka Xooga Soomaaliya dib u dhac u keenay.

Hase-yeeshee, Taliyaha Ciidanka Millateriga Soomaaliya General Cabdiweli Jaamac Gorod oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Maanta ugu warramay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inaanay saamayn taban ku keeni doonin tallaabada dawladda Maraykanku ku joojisay Dhaqaalaha ay ku taageeri jirtay Ciidammada Soomaaliya. General Gorod, waxa uu ku dooday in taa beddelkeeda, ay Soomaaliya dhaqaale ahaan iyadu isku filantay oo ay isku tashan doonto, sida uu Taliyuhu ku dooday.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.