Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Tahriiyeyaal Uu Shan Jir Ka Mid Yahay iyo Mukhalisiintii Watay Oo Ay Qabteen

“Waxa meesha maraya oo aannu qabannay dadka uu shan jir  ugu yaryahay ee uu awoowgiina ugu wayn yahay……Dadka wax tahriibinayay waxay u dhasheen Somaliland…..” Waraysi Gaar Ah: Taliyaha Booliska Xariirad Cabdi Cabdillaahi

Xariirad(Aftahannews):- Booliska Somaliland, ayaa ka hadlay 11 Tahriibayaal ah oo uu ku jiro Wiil yar oo shan jir ah, Awoowgii iyo kooxdii tahriibiaysay oo ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Ammaanka degmada Xariirad ka dib markii si qarsoodi ah lagu geliyay magaalada Xariirad oo ka tirsan gobolka Awdal xilli habeennimo ah, kuwaasoo lagu sida gaadhi noociisu yahay  Surf oo isna ay gacanta ku dhigeen Ciidanku.

TAHRIIBAYAAL

Tahriibeyaasha ay Ciidanka Booliska degmadda Xariirad ay qabteen oo isugu jiray 7 Dumar ah iyo afar Rag ah oo uu ka mid yahay Wiil yar oo shan jir ah oo ay wadatay Hooyadii, isla markaana uu ugu weynaa Wiilka shan jirka ah Awawgii sida uu Wargeyska Somalilandtoday u sheegay Taliyaha Saldhigga Booliska Xariirad.

Taliyaha Saldhigga Booliska ee degmadda Xariirad Cabdi Cabdillaahi oo xalay khadka taleefanka ugu warramay Wargeyska Somalilandtoday, ayaa xaqiijiyay qabashada 11-ka Tahriibe iyo shan Tahriibiye oo dadka tahriibintooda ka ganacsada iyo waliba gaadhigii lagu siday tahriibeyaasha oo uu Taliye Cabdi sheegay inay dhammaantood u gudbiyeen magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal oo ay ku xidhan yihiin.

Taliye Cabdi Cabillaahi oo faahfaahinaya sida ay u qabteen dadka tahriibayay iyo kooxda ka ganacsanaysay tahriibintooda waxa uu yidhi; “Goor habeennimo ah ayaaa la soo geliyay magaalada Xariirad oo lagu qariyay guri ku yaalla dhanka xadka oo koone kaga yaal magaalada, markaannu ka war-hellayna waxaannu qaadnay hawl-gal aannu ku baadi-goobayno tahriibayaasha la soo geliyay magaalada, waxaanan ku guulaysannay inaannu qab-qabanno oo aannu gacata ku soo dhigno.”

Taliyaha Saldhigga Booliska degmadda Xariirad Cabdi Cabdillaahi oo ka hadlayay tirada dadka tahriibayay, kooxda wadday iyo waliba deegaannada ay u dhasheen dadka wax tahriibinayey ee ay qabteen waxa uu yidhi; “Waxaannu qabannay 11 Tahriibe oo ay 7 ka mid ahi Dumar yihiin iyo 4 nin oo uu ka mid yahay ilmo yar oo shan jir ah oo ay Hooyadii iyo illaa Awawgii socdaan. Waxa kale oo aannu qabannay 5 qof oo ka mid ah dadka ka ganacsada dad-tahriibinta iyo waliba gaadhigii ay ku sideen dadkan tahriibayaasha ah oo u dhashay kana yimi Soomaaliya gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.”

“Shanta qof ee wax tahriibinayayba waa reer Somaliland saddex ka mid ahi waxay joogeen oo a ka yimaaddeen magaalada Boorama, labana waxay joogeen oo ay shaqaale uga ahaayeen Xariirad, markaa shantaana waannu qabannay iyo gaadhigii ay wateen oo noociisu ahaa Surff oo lambarkiisu yahay Somaliland 38117.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Saldhigga Booliska degmadda Xariirad Cabdi Cabdillaahi oo xalay khadka taleefanka ugu warramay Wargeyska Somalilandtoday isaga oo ku sugan gudaha degmada Xariirad.

Xigasho Wargeyska Somalilandtoday.