UCID iyo WADDANI oo Magacaabay Guddiyo Qaban-qaabiya Shirweyne Qaran

Hargeysa(Aftahannews):- Labada Xisbi Mucaarid ee UID iyo WADDANI, ayaa maanta magacaabay xubno ay ugu yeedheen Guddiga qaban-qaabada Shirweyne Qaran oo ay hore ugu baaqeen inay qaban doonaan, Shirkaas oo ay sheegeen Siyaasiyiinta la baxday Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka inay ku wareejiyeen labada Xisbi qabashada Shirweyne lagaga tashado aayaha Somaliland.

ucid waddani

Shir saddex geesood ah oo maanta ku dhex-maray hoggaamiyayaasha labada Xisbi Mucaarid iyo Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka, ayaa layskula qaatay in la hirgeliyo Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Qaran ee lagaga wada-hadlayo arrimaha dalka hor-yaal iyo xaaladda siyaasadeed ee waqtigan dalku marayo.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa hore u magacaabay xubnaha u matali doona Guddida qaban-qaabada Shirweynahahaas, kuwaasoo ka kooban lix xubnood oo uu soo magacaabay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kuwaasoo kala ah Maxamed Cabdillaahi Uur-cade Xoghayaha Guud ee WADDANI, Dr.Maxamed Cismaan Fadal, Xasan Xuseen Faarax (Codyare), Xildhibaan Baar Siciid, Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte).

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isaguna dhiniciisa ku dhawaaqay xubnaha u matali doona Guddida qaban-qaabada shirweynaha Qaran, waxaanay kala yihiin Faadumo Siciid Ibraahin, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, Cabdinaasir Yuusuf Cirro, Axmed Maxamed Diiriye, Aadan Cali Yoonis iyo Maxamed Mahdi Buubaa.

Xukuumadda Somaliland, ayaa iyadu hore gaashaanka ugu dhufatay aqbalaadda Shirweyne Qaran oo uu ugu horreyn dhawr bilood ka hor ku dhawaaqay Guddoomiyaha Xisbgia UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ka dibna waxa iyaguna Shirweyne Qaran ku baaqay Siyaasiyiinta ku midoobay Madasha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka oo ay Xukuumaddu ku tilmaantay sharci-darro, kuwaasoo iyagu dhawaan sheegay inay qabashada iyo qaban-qaabada Shirweynahaas ku wareejiyeen Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo Waddani.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.