War Deg Deg Ah Dagaal Ka Dhex Qarxay Maamuladda Galmudug iyo Puntland

Gaalkacyo(Aftahannews.com):-Dagaal Culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,ayaa deegaanka lagu magacaabo Godod  oo ka tirsan gobolk Mudug ku dhex maraya maamulladda Galmudug iyo Puntland ee Soomaaliya.

 Dagaalka ayaa kasocda Deegaan lagu Magacaabo Godod oo kuyaala Duleedka Gaalkacyo halkaasoo ay ku dagaalamayaan Ciidamo kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Puntlnad oo iyagu maamula Magaalada Gaalkacyo.

 Dayaanka rasaasta iyo Madaafiicda ay isdhaafsanayaan labada dhinac ayaa si weyn looga maqlayaa deegaanka lagu dagaalamayo , waxaana si rasmi ah aan wali loo ogeyn qasaaraha kala gaadhay labada dhinac iyo waliba dadka rayidka ah.

 Dagaalka iminka soconaya ee u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug oo wada maamula Gaalkacyo,ayaan illa imika labada Maamul midna ka hadal dagaalkaa dhex maraya labadooda ciidan ee dirirtu ku dhex marayso deegaanka Godod.

 

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland