“Inta Dufanku Mood yahay, Dhaameelku Deeq yahay, Culimadu Danley Tahay, Oday-dhaqan Dillaal yahay..” Abwaan Laabsaalax

ABWAAN XASAN SALEEBAAN DHUXUL LAABSAALAX MAANSADA XEER KU DIRIR 2017

Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) – Maansada Xeer-ku-dirir iyo Miisaanka ay Bulshada u Leedahay

Hargeysa(Aftahannews):- Abwaan Xassan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax), ayaa soo bandhigay Maanso cusub oo la baxday Xeer ku dirir. Maansadan  Xeer ku dirir waxa lagu soo bandhigay munaasibad la isku arkay oo ku qabsoontay Xarunta dhaqanka Hargeysa dhawaan.

ABWAAN XASAN SALEEBAAN DHUXUL LAABSAALAX MAANSADA XEER KU DIRIR 2017

Abwaanku ka hor intaanu maansadda Ibo-furin waxaa uu sharaxay nuxurkeedda, isaga oo tilmaamay in ay guud ahaan ka hadlayso  doorashada, la-doortaha Iyo doortaha. Waxaa kale oo uu hadalkiisa ku xusay Asxaabta siyaasada, Maxaa ummad ahaan innaga qaldan? Maxaynuse u baahan nahay?  “Dad iyo dal baynu nahay haysata nabad taam ah, balse caddaalada iyo ku dhaqanka sharciga qallooc kaga jiro.

Waxaad mooddaa inay inaga burburtay ummadnimadii iyo wax-wada-lahaanshihii, oo ay halkeedii inoo gashay  cunfi iyo qabyaaladi.?” Sidaas ayuu yidhi abwaanku. Waa uu sii waday, hadba dhinac ayuu iska taagay Asxaab iyo ummadba. Dhaliillaha aynu wada leenahay ayuu Toosh weyn ku iftiimiyay si guud xalalka uu is leeyahay waa lagaga gudbi karraana si gaar ah ayuu farta ugu fiiqay, dabadeedna waxaa uu u gudbay Maansaddii oo isla intii uu hadal ahaanta u yidhi Hawraar ahaan ugu qotonta.

Maansada Xeer-ku-dirir oo soo baxday 1dii September 2017. Waxaa uu ku bilaabay Xasan Dhuxul (Laabsaalax) Maansadan Xeer-ku-dir, sidan:- 

“Cidna weli ma deddafayn

Suugaanna kuma durin

Mana ihi nin deelqaaf

Hadalladu ka duulaan.

 

Weli xaajo dalabliyo

Wax damiirku qoonsado

Anoo daah ka rogi kara

Marna dhaayo kama dedan;

Cidna libin dirqiya iyo

Guul dulsaar ah kuma ladhin.

 

Waa diirad Maansadu

Lagu tuso Dadwaynaha

Nin ka galay Ddunuubtee

Kii dudaaya yeelkii

Mana lihi dan gaaree

Wayga Daacadee Dhugo

Haddaan dib-u-dhacaagiyo

Guushaada doorka ah

Mid kastaba diwaan culus

Maalmuhu ku daabicin,

Taariikhda duuggii

Dorraad kaaga marag noqon,

Dhacdo kaaga tagin deris,

Gudcur dam ah ma dhaantide

Wax ka baro duruufaha

Deris maalmihii tagay

Dib u dheeho waayaha

wax ku dooro maankaa.-

 

Marka arrin dakaamiyo

Xaajo dalab leh weligeed

Damal lagu gorfeeyiyo

Xeerbeegti diran iyo

Duqay loo xishaa jiray,

Waxa dhaca dawayn jiray.

Nin kastoo dankano gala

Dabar celiya baa jiray.

Wax kastoo is-diid dhala

Xal dabiiba baa jiray.

Hadduu xaalku dacar iyo

Deebaaq qadhaadh yahay

Hoos baa loogu degi jiray.

Maanta waa is daba yaac

Aaway kala danbayntii?

 

Daacaddiyo run-sheeggii

Waa laga dul guuroo

Daba-huwan siday tidhi:

“dadku waxay wax ka arkaan

Dibnihiyo hungurigaa!”—

Waa dood su’aal leh’e

Dammiirki maxaa helay?

 

Inta dufanku mood yahay

Dhaameelku deeq yahay

Culimadu danley tahay

Oday-dhaqan dillaal yahay

Koofiyadaha demiska leh

Wax ku doono laga wado,

Danbaskana sabool yahay

Noloshuna dirsooc tahay

Dabaqado bulshadu tahay

Reernimo danguud tahay

Qarannimo daldalan tahay

Xilku duudsi-dhale yahay

Digreetadu rasaas tahay

Garashooy! Ayaan daran.—

 

Dulmi wade intuu weli

Dulmanaha ka mudan yahay,

Eexdiyo ku digashadu

Intay darajo leedahay,

Daacadnimo masuug tahay

Cadliyow laguu dagan!

 

Inta weli la door bido

In qabyaalad lagu dago

Dalka ruuxa hagi kara

Oo ruux la dabo wado

Dano gaara laga rabo

Musuqoow lagu diran!

 

Waa duniyo xaalkeed

Xagal daacsanaantuye

Hal doorkii maxaa helay?

Horta mee dal-jirihii?

Xumo-diid ha joogee

Indheer garad docdiisii

Hadmuu daad ka soo galay?

 

 

Ninka nabadda deyn ku leh

Ee dirir ka baaqsaday

Ha u sheego dunidee!

 

Qof dastuurka magansaday

Sharcigana dabiib biday

Oon xeer difaacayn

Awoodaha dulsaarka ah

Maxaa uga damiin noqon

Mar- hadii rag doobshaa

Midi daabka haystaan

Jarta meehsay doonaan

Ama maal ka dooxaan

Malaayiin damqaysoo

Iaguna ku doogaan

Dadna uu u heetiyo

 

-Qabiilbaynu duubnee

Maxaa dacal inoo sudhay

Xisbi baynu diranee

Maxaa duqay inoo xidhay-

Dawlad baynu garanee

Maxay daw u leedahay- ?

Dimuqraadinimadiyo

Isma galo dir dir-soocuye

Dabarkeedu waa maxay?

Sharcigiyo dastuurkiyo

Xalmastuurka dabayaal

Mid-keebaa danteena ah

 

Doortahan la doortaha

Qolonimo ku door biday

Dadlkan aayihiisiyo

Qarankuu ku duulee

Bari yuu dardaar warin

Goormuu nin damac lihi

Daacadnimo ka faanaa?

Runta dacal ka dhaafaa?

Xaqiiqada ka diiraa?

Goormuu dadweynaha

U tumaa durbaanada

Hadaw lagu dagaayee

Duudsigu ka kow yahay

 

Waa Dood Su,aal Lehe

Qof ay baahi dilaysaa

Waxa ma dooran karayaa?

Odayaal la dirayaa

Xaq miyay ku doodaan?

Misna may ku durayaan

Qolo mawgu diran tahay?

 

Xisbi aan ka doodayn

Dal siduu u hagi karo

Mabaadii’ ka dayro ah

Balse dumarka shirin kara

Oo durbaanno tuman kara

Codku maaha diiqee

Muxuu kaaga doonaa?

Dayrtaba haduu

Deeqluhu raxmaad shubo

Dooggiyo caleentii

Duunyadu ku noolayd

Haddaan laga daryeelayn

Diir baan looga taag helin.

 

Wax aan taa ka duwanyn

Nin dan lihiba tiisuu

Danta guud u wiiqoo

Danyareey aduun baa

Ku danseegay qiiree

Dawan yaan lagu tumin!

 

Duruusaha siyaasigu

Daabac iyo dur weeyee

Bulshooy waa digniin culus

Marna waa dardaarane;

Shalay iyo wixii dumay

Maantiyo wixii dagan

Berri iyo wixii dedan

Ku sargoo dantaadoo

Xaqiiqada la deris noqo,

Xor ka noqo damiirkoo

Dantu yaanay kugu qaban,

Dabar yaanay kugu xidhin,

Kuna hagin duruufuhu.

 

Masiirkaaga doorka ah

Ha ku doorsan shilimaad

Garashada adoon dedin

Ha ku daginnin qiirada,

Durbaannada qabiillada,

Keligii dab-saaraha,

Keligii dag-laystaha,

Keligii danaystaha,

Daankiisa buuxshaha,

Tiisuun ku-daalaha,

Baaji doonistiisoo

Intaan duubba loo xidhin

Dusha sare ka sii

Dib wuxu ka noqon karo.

Il-duuf waa mar keliyee,

Dib mid aad ka hiiftiyo

Yaan fartaadu kula degin,

Oon ka-dare codkaagani

Kuu doorin kuu daran.

 

Xil ninkaad u diraysaa

Yaanu halaq ku dooxiyo

Ma-daryeele kugu noqon. 

 

Derajada nin uu rabo

Nin is yidhi dadka u sheeg,

Inuu diirto ruux kale

Ma dariiqa guushaa?

Mise waa dab sii hurin?

 

Ummaddii ul iyo diir

Ummaddii dir iyo daab

Danwadaag mataana ah

Soo ahayd ilaa dura

Waa tan kala dibbootee;

Kala-daamo noqotee,

Naxliguna dul joogee,

Maxaa la isku dagayaa?

 

Dumar iyo hadday tahay

Duqay iyo aqoonyahan

Waa kuwan is-durayee

Ka colloobay duunkee

Bal maxay ku daaleen?

Dulucdoodu waa maxay?

Markay dooddu laba ruux

Kala dooro qudha tahay.

 

Anaa dawlad wadi kara

Reer hebel dammiin ka ah

Anaa dunida maamula

Iftiinkeeda damin kara

Anaa xeel ku dirayoo

Ka dubaalad dheer hebel,

Waa dhaqan dalkeenniyo

Maanta yaalla degalkee;

Sidii loo darjiidhee

Dadku wada aqoonyahan

U noqdeen digtoorro ah

Lama kala danbeeyee;

 

 

Wuxuu Daalinkii yidhi

Dulmi soconayaan ahay

Denbi guurayaan ahay

Damac qaawan baan ahay

Dayac faanayaan ahay

Dayro magac ah baan ahay

Danni taagan baan ahay

Ceeb kama-durkaan ahay

Bulsho kala-dilaan ahay

Dadka kala-guraan ahay

Isma-dooriyaan ahay

Dorraad moogganaan ahay

Tiisuun dayaan ahay

Ninka lagu dagtaan ahay

Intaas iyo in dedan iyo

Siyaasiga dalkaan ahay!

Dadna wali imuu baran

 

Inta daafacaysiyo

Dayntiyo daboolkiyo

Waxay waxay daacadii tidhi

 

Dag’ haddaad is leedahay

Kala didi is leedahay

Isku dira is leedahay

Kala dira is leedahay

Kala daadi leedahay

Bulshadani dul iyo hoos

Marka ay yar dagan tahay

Markay ay yar dilan tahay

Eed mooddo diran tahay

Fahankeedu dedan tahay

Maalintay u daran tahay

Ayay ugu dab kulushahay

Guushuna la daris tahay.

 

Duufaanka roobkiyo

Marka ay dabayluhu

Diiqad culus wax galiyaan

Badda looga dibad baxo

Dar allaan ku dhaaftaa.

 

Wax la doonayaa ruux

Dalka samo ku hagi kara

Dadka hayn ka simi kara

Dabka hura bakhtiin kara

Danta hore u wadi kari

Danbi-falaha qaban kara

Dulinkana tirtiri kara

Danyartana wax tari kara;

Oon lagu dul guurayn

Oo aan dammane noqon

Oon reer dabada galin;

Dusha calanka kuu sudhan

Dhagar iyo dab galinayn;

Cadligaa dan kuu ahe

Mid aan dayro keenayn

Ummaddana badh didinayn

Badhna soo dabbaalayn,

Duunka xumo ku beerayn

Wax la doonayaa ruux

Dar ilaah u hawl gala

Shacabkana u daacad ah.” sidaa ayuu Maansadiisa ku yidhi Abwaan Laabsaalax.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.