Willy Mutunguu Noqon Ama Baaqsay Buu Noqon! Faaqidaadda Suxufi Muuse Jaambiir

SUXUFIGA MUUSE FAARAX JAAMBIIR 2017

Dubbuhu Waa Run, Ficilkiisuna Waa Gacanta Haysa!

Maxkamadda Sare waa dubbaha garsoor ee ugu sareeya hay’adda cadaaladda dalka. Maaha komishankii doorashada balse door bay ku leedahay. Kaalinta ay doorashada ku leedahay waxay billaabataa kadib marka Komishanka doorashadu ku dhawaaqo natiijadda kama dambaysta ah.

SUXUFIGA MUUSE FAARAX JAAMBIIR 2017

Waxay ansixisaa ama sharciyaysaa natiijadda Guddiga doorashadu ku dhawaaqo, haddaan muran ka taagnayn oo dhinacyada tartamaya aannuu midkoodna ka dacwoon ee ay ku wada qancaan.  Ansixinta natiijadda kadib waxay dhaarisaa Murashaxa ku guulaysta xilka Madaxweynaha. 

Laakiin, haddii xisbiyadda midkood ama laba qaadacaan natiijadda Komishanku soo saaro, waxay dhinacyadaasi dacwad u gudbinayaan Maxkamadda Sare oo soo saaraysa maxsuulka kama dambaysta ah kadib markay gunaanaddo dacwadda. Laba mid uun buu markaa noqon karraa go’aanka Maxkamaddu, in uu sax noqdo go’aankii hore ee Komishanku oo ay ku dhawaaqdo iyo in uu xaq yeesho mudducigu oo ay soo saarto mid ka duwan. 

Haddii go’aankeedu noqdo kii Komishanka halkaasaa hadal ku dhamaadaa. Laakiin haddii uu mudducigu guulaysto oo natiijaddii hore mid ka duwanni soo baxdo, sadex dhinac mid uun bay u dhici kartaa. Wuxuu noqon karraa, mid mudducigu ku guulaysto xilka uu Komishanku ugu dhawaaqay murashaxa kale.

Mar labaadka wuxuu noqon karraa, mid tirro aan guul siinayn u soo kordhiya mudduciga, kaasoo aan waxba ka bedelayn murashaxa komishanku sheegay inuu ku guulaystay doorashada. Go’aanka sadexaad wuxuu noqon karraa, tirtirista natiijadda doorashada gebi ahaanba, isla markaanna go’aankan waxa dabba oolli karra in la qabto doorasho cusub.

Guud ahaan inahaasaa lagu tilmaamaa doorka Maxkamadda Sare ku leedahay  doorashada, hawlgalkuna wuxuu u billowdaa kadib marka Komishanku ku dhawaaqo natiijadda doorashada. Inta ka horaysa xilligaa waxay sharci yaqaanku tilmaameen in aanay Maxkamadda Sare kaalin ku lahayn geedi socodka hannaanka doorashada haddaanay ciddi u soo dacwoon. Haatan Gud.

Maxkamadda Sare waa Aadan Xaaji Cali. Guddiga garsoorka Maxkamadduna waa 11 xubnood,  Gudoomiyaha iyo 10 xubnood. Waa Juurrigaa cidda geli doonta hawlaha Maxkamadda Sare kaga beegan doorashada Somaliland ka dhici doonta 13.nov.2017, haddii xagga Alle ogolaansho laga helo.

Inkastoo magacaabistii Gudoomiye Aadan Xaaji Cali aad loo soo dhaweeyay, waxoogaa talaabooyin ahna uu carcartii hore  dhanka toosinta u qaaday, haddana ma dhaliil la’a hogaamintiisu. Dadka dhalliilsan aragtidoodu waxay u qaybsan tahay mid wax ka soo qaad leh iyo mid ku tiri ku teen ah. Ta wax ka soo qaadka lihi waxay ka garaabaysaa waxa la qabtay, isla markaana waxay tilmaamaysaa halka shakiga iyo tuhunku ka jirro. Meelaha tusmayntoodu waxqabadka u tirinayso waxa ka mid ah qalabaynta xafiisyadda, nidaaminta hab raaca dacwadaha, fudaydintooda iyo garqaadka kiisaska rayidka ee aan saamaynta ku lahayn siyaasadda. Sidoo kale kiisaska saxaafadda oo culayskooda leh ayaa iyana Maxkamaddu dadaal ka samaysay. Qodobaddaa iyo qaar kaleba waxay qayb ka yihiin tirsiimadda wax qabadka. Taa macnaheedu maaha sugnaanta waxa la qabtay waa intaa, balse waa sumad guud oo  abtirsiinteedu ka soo jeedo inta loo arko in wax laga qabtay. Marka xuskaa kooban laga tago, xeeldheerayaal sharci iyo falanqeeyayaal u dhuun dalloola arrimaha garsoorku, waxay rumaysan yihiin in aanay weli si buuxda Maxkamaddu uga madax bannaanayn fulinta(Xukuumadda).

Sidoo kale waxay qabaan imaatinkii Gud. Aadan oo markii hore  iidheh badan oo soo dhawayn ah loo sameeyay, in foorihiisii muddo yar gudaheedba uu isu isbedelay mid la nool waaxda fulinta si la mid ah siday ula noollaan jireen Gudoomiyayaal badan oo ka horeeyay, laba Gudoomiye mooyee. Aanayntan waxa dalliil wax ka soo qaad leh looga dhigi karraa dhawr qodob dhacdo oo dadka dhaliilsani u arkaan tijaabo tusaale u noqon karta xeerbeegtinimadda Gudoomiyaha. Tusaalaha koowaad waa kiiskii Xisbiga Ucid dhexdiisa oo dad badanni u arkeen, in dubaha Aadan ka yeellay sidday rabeen in laga yeelo  danneeyayaal aan xisbiga ka tirsanayn oo isugu jirray xukuumadda iyo qaar gacan saar la leh, kuwaasoo dantooda siyaasiga ahi ku jirtay in Jamaal Cali Xuseen la waasiiyo murashaxnimadda.

Dacwaddii doorashada Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ee gelisteeda Maxkamaddu afka oodda ka saaray ayaa iyana loo tirinayaa in Gudoomiyuhu ka yeellay sidday Madaxtooyadu rabtay. Labadaa kiis waxay ugu muuqdaan dad badan oo wax indho indheeya qaar nusqaamiyay kalsoonidda Maxkamadda iyo hogaaminta garsoor ee Gudoomiyaha.

Gees kale marka laga dhugto falanqaynta mawduucan, Gudoomiyuhu wuxuu u jeediyay garsoorayaasha iyo shaqaalaha Maxkamadaha, digniin tebinaysay in aanay ka qayb geli karin ollolaha doorashada, misana isla maalmahaa uu digniinta soo saarayba waxa shaashadaha warbaahinta iyo baraha bulshadu ku kulanto lagu soo bandhigayay muuqaalka garsoorayaal ka qayb qaadanaya ollole xisbi,  kuwaasoo aanay caddayn ilaa imika talaabadda laga qaaday.

Dhacdooyinka kale ee su’aalaha ka dhex ooggay sharci yaqaanka iyo dadka dhexdiisa ka waxa ka mid ahaa, madal uu hadal ka jeediyay Gudoomiye Aadan oo lagaga dhawaaqay guddi dallada urrurada bulshada rayidka ahi(Sonsaf) ku soo bandhigtay guddi ay u bixisay, ‘guddiga xallinta khilaafaadka doorashada’. Guddigaa waxa markiiba gaashaanka ku dhuftay Komishanka doorashada iyo  danneeyayaasha doorashada qaarkood. Waayo, haddii khilaaf doorasho yimaado dalku hay’addo u xilsaaran buu leeyahay, wixii Komishanka ka soo haddhana sharciyan waxa leh Maxkamadda. Sidaa darteed,  waydiimaha dhacdadaasi abuurtay  waxa ka mid ahaa; Dallad urruro bulsho xaq sharci ma u leedahay inay samayso guddi noocaas oo kale ah? Ka muuqashadii, ka qaybgalkii iyo khudbaddii uu halkaa ka jeediyay Gudoomiye Aadan ma wax bay u dhimaysay xilkiisa mise way waafaqsanayd?     

Jawaabtu waxay noqon lahaydba haatan isku daygaasi wuxuu u eg yahay mid aan cimri yeellan oo siyaasaddii soo curisay dib u faagatay. Hase ahaatee  xeeldheerayaal sharci oo aan wax ka waydiiyay waxay ii sheegeen, doorkii Gudoomiyaha ee madashaasi inuu meel ka dhac sharci ku ahaa Maxkamadda. Qaar kale oo waxgaradka dhalliilsan ka mid ahina waxay rumaysan yihiin in faham darro jirto, halka qolyo kalena u nisbeeyeen inuu qayb ka ahaa mashruuca.

Mar kale wuxuu Gudoomiye Aadan hadal siyaabo kala duwan loo macnaystay isla soo taagay xaflad waxbarsho oo Jaamacadda Golis u qabatay arday qalin jebisay. “Waxaan u jeedinaya labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani, inay guddiga doorashada dhegaystaan, inay ollolaha hordhaca ah joojiyaan. Maalin dhawayd guddiga doorashada waan la shiray Anigu, wada shaqayn baanu leenahay, cabasho wayn bay ka soo jeediyeen, markaa waa in sharciga la ilaaliyo” sidaa waxa yidhi Gudoomiye Aadan.

Waxa in la is waydiiyo muddan markaa, Gudoomiyuhu xaq ma u leeyahay inuu sidan oo kale uga hadlo arrimaha doorashada ka hor waqtiga uu sharcigu siiyay? Digniintuu jeediyay ma tii Komishanka looga baahnaaba mise waa mid Isaga looga fadhiyay sharciyan? Xaq ma u leeyahay iyaddoon dacwad loo soo gudbin inuu sidan madal ugaga hadlo arrimaha doorashada? Goobtuu ka hadlay, mawduucuu ka hadlay iyo lebiska uu ku hadlay marka laysku darro sharcigu muxuu ka qabbaa? Komishanka shaqadiisii miyuu farra geliyay?…..  

Wuu sii hadlay Gudoomiyuhu wuxuu mar kale yidhi; “Illaa Maxkamadda sare dhaarinayso Madaxweynaha soo socda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dalka ka talinaya, amniga, nabadgelyada, kala dambaynta Isagaa ka masuul ah, taariikhdiisay gelaysaa inay doorasho nabad ahi dhacdo, in dawlad dambe si nabad ah loogu wareejiyo. markaa nabadgelyada iyo sharciga in la illaaliyo weeye” Yaa yidhi kama talinayo ee uu u jawaabayay? Muu sheegin. Haddaa maxaa ku kelifay? mooyi.

Ma dacwad baa ciddi u soo gudbisay? Maya, muu sheegin.  Sharcigu muxuu ka qabbaa?….. Way badan yihiin su’aaluhu, waxse xusid muddan hadalka uu Gudoomiyuhu madashaa ka jeediyay inuu ku beegnaa hadal xisbi ka soo yeedhay oo xisbi kale oo ay is hayaanna uu si uga faa’iidaystay, sidaana loogu dhadhansaday in jawaabtiisu daarran tahay. Marka halkaa laga duullo,  wuxuu shabahayaa Siyaasi xisbi ka tirsan oo xisbi kale u jawaabaya. Mar kale qofka weedha hore ee hadalkiisa arkay ama dhegaystay ee aan muuqiisa ku daawani wuxuu u malayn karraa Gudoomiyihii Komishanka oo digniin u dirraya xisbiyadda. Laakiin labadaa midna ma aha ee waa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee ka garsoori doonna doorashada haddii muran ka yimaado.   

Guud ahaan, marka laysku soo xoorriyo dhacdooyinkaa kala duwan ee aynu soo xusnay waxay abuureen tuhun iyo shaki waydaynaya kalsoonida xeerbeegti ee Gudoomiye Aadan Xaaji Cali. Sababtoo ah waxa la yidhaahdaa, “sharcigu uma hadlo sida siyaayasaddu u hadasho, umana talaabsado sida siyaasigu u talaabsado”. Halhays kale ayaa isna yidhaahda, “Dubbuhu waa run, ficilkiisuna waa gacanta haysa” Sidaa aawadeed, waxa la gudboon Gudoomiyaha sharafta muddan inuu dib u qiimeeyo kalsoonidda, isla markaanna dib u kabbo wixii ka jirra dhalliilaha loo tirinayo. Waayo Dr Aadan wuxuu Somaliland ugu jirraa halkuu Kenya ugu jirro Dr Willy Mutunga oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalkaa oo dhawaan ka badbaadiyay wadankiisa sharka doorasho musuq hadheeyay. Markaa, haddii laysla soo gaadho dubbihiisa ama Willy Mutunguu noqon ama baaqsay buu noqon.    

Faaqidaadda Qalinka

Suxufi Muuse Jaambiir

Wargeyska Ogaal

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.