Sannad waliba Hoodiyo, hawliyo dhibaatiyo wuxu hadimo leeyahay waa laga helaaye, kii noo hagaagee noqo loo han-weyn yahay

Hambalyo curashada sannadka cusub ee Islaamka

Sannad waliba Hoodiyo, hawliyo dhibaatiyo wuxu hadimo leeyahay waa laga helaaye, kii noo hagaagee noqo loo han-weyn yahay….. Tuducaasi waxa uu ka mid yahay Heesta sannadka cusub lagu soo dhaweeyo ee uu ku luuqeeyo Fannaanka Maxamed Saleebaan Tubeec. ujeeddada aan u soo qaadannayna waa soo dhawaynta dhalashada sannadka cusub ee Islaamka awgii ee 1435 taariikhda Hijriyada.

Happy New Islamic Year 1435 Wallpapers (11)ww

Bahda Shabakadda cusub ee Aftahannews.com meel kastao oo ay joogaan waxay hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin hawada u marinayaan guud ahaanba Shucuubta Islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaanna ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha goob walba oo ay caalamka ka joogaan curashada sannadka cusub ee Islaamka ee 1435 taariikhda Hijriyada oo Isniinta Berri koow ah.

Waxaannu leenahay Illaahay sannadkan sannadkiisa ha innagu gaadhsiiyo bash-bash, barwaaqo, nabadgelyo, farxad, rayn-rayn, wada-jir, isku duubni iyo horumar muuqda. Aammiin..Aammiin..Aammiin.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland