Muuqaalka Dunidu u aqoonsatay Sawirka Sannadkii tegay iyo Macluumaadk uu xambaarsan yahay

Jabuuti(Aftahannews):- Sawir-qaade u dhashay waddanka Maraykanka oo lagu magacaabo JOHN Stanmeyer, ayaa ku guulaystay tartanka Sawirka sannadka dhammaaday ee 2013-kii.

photo-of-the-year 2013

photo of the year

Waxa uu Sawirkan uu qaaday Sawir-qaadaha reer Maraykan ee loo aqoonsaday Sawirka sannadkii tegay ee 2013 muujinayaa Muhaajiriin Afrikan ah oo Telefannadooda gacanta kor u haya meel u dhow Biyaha Badda Jamhuuriyadda Jabuuti xilli habeennimo ah, kuwaasoo isku dayaya inay Soomaaliya ka helaan anteenno qiimaheedu jabanyahay.

“Waa Sawir xidhiidh la leh sheekooyin badan, wuxuu furayaa doodo ku saabsan teknoolojiyadda, koboca caalamka, tahriibka, fakhriga, qariibnimo iyo Aadaminimo.” sidaa waxa yidhi xubin ka mid ah Guddida xulaysay Sawirrada tartanka lagu galay oo dabcan fara badnaa.

Guddigu waxay sidoo kale Billado siiyeen 53 Sawir-qaade oo ka soo jeeda 25 dal oo kala ah Argentina, Australia, Azerbaijan, Bangladesh, Bulgaria, China, Czech Republic, El Salvador, Finland, France, Germany, Iran, Italy, Jordan, Mexico, The Netherlands, New Zealand, Poland, Russia, Serbia, South Africa, Spain, Sweden, the UK iyo USA.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.