Booqashada oo loo diiday Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane 11 cisho xidhan Burco

“Dadweyne mudaharaad salmiya la hortegay Saldhiga Burco oo ay ku dalbanayaan in
xorriyadiisa loo soo celiyo Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane”

Burco-(Aftahannews)-Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane, oo muddo 11 maalmood ah ku xidhan
saldhiga magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa loo diiday inay booqdaan
dadka shacabka ah.

Lama garanayo sababta loogu diiday booqashada, Booliska Gobolka Togdheer oo aanu isku 
daynay inaanu arrintan waxka weydiinananoomay suurtagelin, sidoo kale waxaa saaka
loo diiday Qareen looqabtay Siyaasi Miigane.

Dadweyne loo diiday inay booqdaa Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane, ayaa saaka ishortubay
saldhiga magaalada Burco, kuwaasoo oo markii dambe mudaharaad salmi ah kahordhigay, waxaanay ku dhawaaqayeen kelmado ay ka mid yihiin “Xorriyaddiisa ha loo soo celiyo Miigane”

Xadhiga Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane, ayaa sidaanu hore u baahinay la sheegay inuu 
kadambeeyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici.
Xafiiska Madaxweyne Ku xigeenka oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino
Xadhiga siyaasigan ayaa diiday inay ka jawaabaan.

Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane,waxaa uu ka shaqeeyaainta badan arrimaha samofalka
isagoo hawlo badan oo samo-fal ah ka fuliyay Sanaag, Gabilay iyo meelo kale, tusaale 
ahaan Cusbitaalka Marwada Madaxweynaha Djibouti ka dhistay Gabilay oo uu qeyb weyn ka qaatay.