Cadceed-madoobaad galabta laga dareemay Somaliland iyo Culimada oo Salaad oogay

Hargeysa(Aftahannews):- Cadceed-madoobaad, ayaa illaa 5:10 daqiiqo ee galabta laga dareemay magaalada Hargeysa iyo dalka Somaliland meelo badan oo ka mid ah sida ay Weriyeyaashu ku soo warramayaan.

nature-dark-moon-night-photography

Sidoo kale Cadceed-madoobaadkan ayaa lagu warramayaa in laga arkay meelo badan oo caalamka ka mid ah, taasoo ay sii saadaaliyeen Cilimada ku xeel-dheer Cilmiga Saadaasha hawada ee dunidu.

Masaajidda magaalada Hargeysa, ayaa laga oogay Salaadda la tukado waqtiga la arko Cadceed-madoobaadka ee Salaatul-Kusuuf ee la tukado mararka qorax madoobaadku dhaco.

Sidoo kale, dalalka Islaamka ee laga arkay qorax-madoobaadkan ayey dadweynaha Muslimiinta ah ee ku dhaqani u dareereen goobaha Cibaadada ee Masaajiddada si ay u tukaadaan Salaatul Kusuuf, si ay u muujiyaan Cabsida Alle (SW), isla markaana ka cafiyo dunuubta.

Cadceedda, ayaa iyada oo madaw gabalku dhacay oo la god-gashay iyada oo Madaw, waxaana Masaajiddada Hargeysa oo ay ka socoto Salaadda la tukado markay qorraxdu madoobaato ay Salaaddii Maqrib soo gashay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.