Laki Xaaji Wacays Bandhigga iyo Ka Qaybqaadashada Barnaamijkii 18 May 2017 ee BBCSoomali – Daawo

LAKI XAAJI WACAYS IYO WERIYE MAWLIID BBCSOMALI LONDON STDUDIO 18 MAY 2017

London(Aftahannews):- Fannaanadda Laki Xaaji Wacays, ayaa ka qayb-qaadatay oo si toos ah wax uga akhriday Barnaamijka Hambalyada iyo Salaamaha oo Habeen kasta oo Jimce soo galayo ka baxa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, isla markaana qaar ka tirsan Heesaha Jacaylka ah, ku-daadiska ah iyo kuwa Waddaniga ah ee ay qaaddo ku soo bandhigtay.

LAKI XAAJI WACAYS IYO WERIYE MAWLIID BBCSOMALI LONDON STDUDIO 18 MAY 2017
LAKI XAAJI WACAYS IYO WERIYE MAWLIID BBCSOMALI LONDON STDUDIO 18 MAY 2017

Fannaanadda Laki Xaaji Wacays oo ka hor Fannaannimadeeda ahayd Weriye Idaaci ah oo Idaacado iyo TV-yada Soomaalida qaarkood ka soo shaqaysay, ayaa Barnaamijkii Hambalyada iyo Salaamaha ee Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da lagu casuumay ama lagu marti-qaaday xalay oo Jimce soo galayey oo ay taariikhdu noqonaysay 19 May 2017.

Haddaba, Barnaamijkaas iyo Doorkii Fannaanad/Weriye Laki Xaaji Wacays oo uu daaddihinayey Weriyaha BBC-da ee Mawliid Xasan Faarax iyo sidii uu u dhacay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.