Waa Kuma Sraalka Ugu Khatarta Badan Al-Shabaab?

Hargeysa(Aftahannews.com):-Sarkaalka ugu khatarta badan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya isla markaana macalinka ugu ha dhanka tababarka qaraxyada iyo qaabka loo sameeyo waxyaabaha qarxa ama la isku xidho marka uu qofku is-qarxinayo,ayaa lagu sheegay inuu yahay maskaxda ugu khatarsan illaa imika saraakiisha Al-Shabaab.

 Ninka ugu qatarta badan gudaha Al Shabaab ee Ciidaka Al Shabaab baray sida Qaraxyada looga sameeyo Fuustooyinka faaruqa ah, aadna looga yaqaan gobolka Sheelada Hoose waliba ay si aad ah u doon doonayaan sirdoonka dalka Faransiiska, ayaa  lagu magacaabaa Ibrahim Isuddin .

 Ibrahim Isuddiin oo asal ahaan u dhashay dalka Murutania balse haysta dhalashada dalka Faransiiska waa ninka ugu khatarta badan gudaha xarakada Al Shabaab waana shaqsi haysta aqoon Millatari oo dhamaystiran taasoo u sahashay inuu  si toos ah u bara Xoogaga Al Shabaab sida loo farsameeyo qaraxyada ay wax ku halligaan gaar ahaan Qaraxyada laga sameeyo Fuustooyinka Shidaalku uu ka dhamaaday ee la jar jaro.

 Ibrahim Isuddiin gudaha Al Shabaab waxaa looga yaqaan (Abu Yaasir) wuxuuna qabaa haweenay Soomaali ah oo degmada Afgooye ka soo jeeda ,Ninkan, ayaa la aaminsan yahay inuu  dilay maxbuuskii Faransiiska ahaa ee sanadkii hore lagu dilay Degmada Buulo Mareer oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose xilli ay ciidammada Millatariga Faransiisku isku dayeen inay Maxbuuskaas xoog ku soo furtaan.

 Abu Yaasir oo gudaha dalka Soomaaliya yimi xilligii Maxaakiimta Islaamiga  ahi ka talin jireen inta badan dalka Soomaaliya, ayaa waxa uu u fakaday dalka Saudi Arabia markii ay dalka soo galeen ciidammada Itoobiya balse ninkan, ayaa dalka dib ugu soo laabtay dhowr sano ka dib isagoo soo raacay  Fu,aad Mohamed Qalaf (Fuad Shongole) oo ka tirsan madaxda ugu sareeysa ururka Al Shabaab.

 Ibrahim Isuddiin (Abu Yaasir) waa shaqsiga keenay in Rasaasta nool nool lagala baxo Baaruuda ka dibna Foostooyinka uu Shidaalku ka dhamaaday la jar jaro si looga dhigo Qaraxyo halis ah oo meeshii la la beegsado aan cidna ka bad badbaadin.

 Inta badan shacabka ku nool gobolka Sheelada Hoose ayaa waxa ay aaminsanyihiin in uu mar uun Abu Yaasir ku bixi doono gacanta ciidamada Dowlada iyo kuwa Faransiiska ama gacanta Ururka Al Shabaab ee uu baray qaabka fudud ee loo sameeyo Qaraxyada halista ah.

 Ninkan, ayaa waxa ay aad iskugu dhawaayeen ama isla socon jireen xilliyadii hore Abuu Mansuur Al-amiriki oo hore loogu yaqaanay Cumar Shafiiq Xamaami balse markii dambe ku baxay gacanta hoggaamiyaha Al Shabaab Axmed Godane.

Ibrahim Isuddiin (Abu Yaasir),ayaa ah nin aad u khatar badan oo la aaminsan yahay inuu imika ku sugan yahay deegaannada ay ka taliyaan kooxda Al-Shabaab isla markaana uu yahay wali maskaxda ka dambaysa qaraxyada ay fuliyaan kooxda Al-Shabaab.

 

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland.