Ma Ogtahay Dhibta ay leeyihiin Facebook, Snap Chat, Instagram, Twitter iyo Dhammaan Social Media? By: Kayse Faarax

KAYSE FAARAX YUUSUF MAXAAD KA GOTAHAY DHIBTUU DHAMMAAN LEEYAHAY SOCIAL MEDIA

Haddaan idinla wadaago intaan ka aqaanno Aqoon ahaan iyo ra’yi ahaanba Social Media (Baraha Bulshadu wax isugu gudbiso) ama baraha Internetka ee bulshadu ku kulanto. Social media wuxuu la mid yahay Warbaahinta aynu naqaanno ee TV-yada, Idaacadaha, Wargeysayada iyo Websiteyada, mararka qaar iyo meelaha qaarna kaba awood badan yahay.

KAYSE FAARAX YUUSUF MAXAAD KA GOTAHAY DHIBTUU DHAMMAAN LEEYAHAY SOCIAL MEDIA
KAYSE FAARAX YUUSUF MAXAAD KA GOTAHAY DHIBTUU DHAMMAAN LEEYAHAY SOCIAL MEDIA?

Social Media, wuxuu leeyahay dhib iyo dheef labadaba, hadba sidaad u adeegsato ama uga faa’iidaysato, arrintaasina waxay u baahantahay inaad ka haysado fikir iyo aqoonkaaga filan oo aad kaga badbaaddo dhibtiisa iyo khaladaadka aad geli lahayd, markaad isticmaalayso Social Media, sida; Facebook, Twitter, Snap Chat, Instagram, awm. Ugana Faa’iidaysato dhankiisa fiican.

Haddaba, markaad isticmaalayso Facebook, Twitter, Snap Chat, Instagram, awm, waxaad ogaataa inaad ku dhex jirto Adduunyo dhan, Quruumo kala duwan, kala af-ah, kala Diin ah, kala fikir ah, kala dhaqan ah, kala dan ah, iyo kuwo aad isku Af, isku Diin iyo Dhaqan tihiinba. Qofkasta, Ummad kasta iyo Koox kastaana waxay ugu jiraan Social Media inay uga faa’iidaystaan, kuna tebiyaan Dhaqankooda, Diintooda, Fikirkood ama ku xayaysiiyaan Ganacsigooda, Farsamda (technology-gooda), kana helaan Xog iyo aqoon wixii lagu dhaamo ee lagu baahiyay barahan.

Marka aad wax ku qorayso ama aad soo geliso Sawirro, Cod, Qoraal, Video (Muuqaal), waxay la mid tahay adoo soo geliyay ama kasoo hadlaaya TV ama Radio, si toosa hawada ugu jira, waanu kasii saamayn badan yahay, maxaa yeelay? TV-ga ama Idaacadda wakhti go’an ayey hawada ku jirayaan, kani-se wuxuu ku jirayaa illaa weligii, adigoo ka saara ama joojiya mooyaane. Waxaana lagala soconayaa shanta Qaaradood ee Dunida, halka TV-ga ama Idaacadda lagala socon karo Magaalo, Dal, Gobol, Dalal ama illaa Qaarad.

Sidaas darteed, haddii aad geliso waxyaabo khaldan Dhaqan iyo Anshax ahaan ama Diin ahaan, waxay leeyihiin dhibaato iyo saamayn aad u culus oo aanad markaas dareensanayn, siina soconaya xataa haddii aad faraha ka qaaddo oo aanad dib u gelin amaba aad dhimato, Adigaana ka masuul ah dhib iyo dheef waxay leeyihiin, waxaad halkaas ku baahisay.

Markaad dhigayso Sawir/Cod/Muuqaal ama Qoraal Facebook ama Twitter, Instagram, Snap Chat, Youtube ama meelaha kale ee la midka ah, waxaad ka fikirtaa muxuu macno samaynayaa? Ka fikir maku habboon yahay Adigoo hor taagan ugu yaraan Shan Kun oo Qof, oo Rag, Dumar, Carruur, Waayeel, Aqoonyahayn, Culimo iyo Cidkasta-ba leh, kana hor leh odhaah-dan aad qorayso, Video/Sawirkan ama Codkani Farriinta iyo dareenka ay gudbinayaan. Cidse ma dhibayaa aanad Ula-jeedin? Hadduu intaas mid uun ku jiro fadlan hasoo gelinin, adoo dhinacyadaas oo dhan ka eegaya.

Ka feejignow inaad soo dhigto Sawirro ama Muuqaallo argaggax leh, sida; Dad la laayay oo Meyd ah ama Dhawaac ah, Dhiig iyo calaamado muujin kara argaggax, hadday dhacdo inaad soo dhigto raaci DIGNIIN ah; inaan Carruurta iyo cidkasta oo dhibsan kartaa aanay daawan karin, kuna jiraan Video/Sawirro argaggax leh.

Ha soo gelin Sawirro toos ah Wejiga Qofka la aqoonsanayo Dadka aan xuskoodu dhammayn ama Waalan, Dadka dhibaataysan iyo Qofkasta oo aan raallii ka ahayn in Sawirkiisa lagu baahiyo Facebook iyo meelaha la mika ah. Social Media Hanbalyo dhalasho haddaad soo qorayso ha soo dhigin Sawir ilmaha yar; sida dhacda marar badan, lana soo dhigo ilma yar oo markaa dhashay Sawirkiisa.

Haddaad soo dhigayso hal-ku-dhegyada (Quotes) ku qoran Luuqadaha qalaad, kuna jira Internet; sida Google, Facebook iyo Websites, iska hubi macno ahaan iyo ujeeddo ahaan intaanad soo gelinnin, Maxaayeelay? Waxaa jira Qoraallo (Quotes) ama Hal-ku-dhegyo laga soo qaato Baybal-ka ama Kutubta Diimaha aan Islaamka ahayn, kuwaas oo aan habboonayn inaad faafiso, denbina kaaga iman karo Iyo hadallo marka la fasiro aan ku fiicnayn dhaqan iyo anshax ahaan soo dhigto.

like ha saarin, hana sheergaryan pages ama farriimo aanad fahansanayn waxay gudbinayaan iyo ujeedkooda toona. Waxaa jira Bayjaj lagu baahiyo fikirro Diimo qaldan oo haddaad sheer tidhaahdo ama faallo togan ka bixiso (comments), waxay la mid tahay inaad la qabto fikirkaas ama Diinta uu faafinayo.

Uga faa’iidayso dhanka fiican Adigoo waqti badanba aan ku luminayn, ku baahi waxyaabo anfaca Bulshada, Adiguna ka qaado waxbyaabaha ku anfaca Xog, Warar, Taariikh, Suugaan, Aqoon Diimeed iyo maaddi’-ba, lana wadaag fikirkaaga Bulshada, markaad Qofka ka qaadato Qoraal, Sawir ama Muuqaal ku xus inuu leeyahay Xuquuqda, ogsoonoow inay cidkastaa kugu darsnayso Bogga aad ku leedahay Goobahaa Bulshadu ku wada xidhiidho (Social Media) Qof xun iyo Qof fiican, Carruur iyo Waayeel yay ku saamaynin Dadka dhaqammada xun iyo fikirrada qaldan ku soo tuuraya ama soo gelinayaa.

Ka qaado inta Fikir Togan iyo Aqoonta baahinaysa. Allaah ha innagu Anfaco Insha ALLAAH.

By: Kayse Faarax Yuusuf

Kayse2005@yahoo.com

Hargeysa/Somaliland.