Shaqaalaha Dawladda qaarkood oo ka Cawday Saamaynta Amar Siilaanyo soo saaray ku yeeshay oo uu mar kale Cusboonaysiiyey

MADAXWEYNE SIILAANYO IYO GUDDOOMIYAHA HAY'ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA SOMALILAND 2017
MADAXWEYNE SIILAANYO IYO GUDDOOMIYAHA HAY'ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA SOMALILAND 2017

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa mar kale hakad geliyay guud ahaan Shaqaalihii cusbaa ee sannadkan Hay’adaha dawladdu qaadan lahaayeen xaaladda Abaarta awgeed, waxaanu hore Madaxweyne Siilaanyo hakad saddex bilood ah u geliyay in aan Shaqaale cusb la qaadan bilawgii sannadkan sababo la xidhiidha duruufaha Abaarta iyo la-dagaallanka Sicir-bararka, waxaanu hakadkaa hore ee saddex-biloodka ahaa saamayn taban ku yeeshay Shaqaalaha muddada soo shaqaynayey ee sannadkan laga dhigay Shaqaalaha Joogtada ah ama Barmalka ah ee dawladda oo aan wax mushahar iyo gunno toona qaadan wakhtigaas.

MADAXWEYNE SIILAANYO IYO GUDDOOMIYAHA HAY'ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA SOMALILAND 2017
MADAXWEYNE SIILAANYO IYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA SOMALILAND 2017

Hase-yeeshee, iyada oo ay saamayntaasi jirto oo ay dhawaanahanba cabasho muujinayeen Shaqaalaha Hay’adaha kala duwan ee dawladda Somaliland ee sannadkan u soo gudbay derajada joogtada maaddaama oo ay muddo badan si aan joogto ahayn ugu soo shaqaynayeen Laamaha kala duwan ee dawliga ah, ayaa iyaga oo aan mushahar iyo gunno toona qaadan saddexdaa bilood ee hakadka qaadashada shaqaalaha cusub ee dawladda la geliyey, waxa uu mar labaad Madaxweyne Siilaanyo maanta amray hakinta Shaqaalaha cusub oo socon doonto muddo aan la cayimin, sida uu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Sharmaarke Geello oo Saxaafadda la hadlay markii uu ka soo baxay Kulan uu Maanta la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo ka dib.

Haddaba, qaar ka tirsan Shaqalaaha dawladda ee sannadkan 2017-ka noqday Shaqaalaha rasmiga ah oo ka gaabsaday shaacinta Magacyadooda, ayaa Aftahannews.com Weriye ka tirsan la hadlay, isla markaana u sheegay in Madxweynuhu hakadka aan la muddayn ee uu geliyay in Shaqaale cusub la qaato, ay ka naxeen, maaddaama oo hakintii hore ee saddex biloodka ahayd oo ku dhammaatay bishii Maarso ee aynu ka soo gudubnay saamayn ku yeelatay Dad aad u badan oo muddo badan soo ahaa Shaqaale dawladeed oo qaarkood 7 illaa 8 sano ay soo shaqaynayeen oo sannadba sannad u dhiibayay in ay noqdaan shaqaale rasmi ah, balse sannadkan lagu daray Liiska Miisaaniyadda Qaranka u Shaqaalawday, isla markaana gunnooyinkii ay ka qaadan jireen Hay’daha iyo Wasaaradaha kala duwan ee ay Shaqaalaha ka ahaayeen loogu beddelay in ay Shaqaale joogto ah yihiin oo ay Mushaharkii dawladda helayaan laga bilaabo bishii  koobaad ee sannadkan, laakiin markii hakinta hore ee Madaxweynuhu ay soo baxday loo sheegay shaqaalahaas oo Wasaarado iyo hay’ado kala duwan ka hawlgala in saddex bilood  ka dib ay Mushaharkooda saddex biloodka ah helayaan. Hase-yeeshee, taasi waxay meesha ka baxday markii maanta uu mar labaad Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo uu amray hakad kale oo aan la muddayn intuu soconayo. Waxaanay Dawladda ugu baaqeen inay arrintooda hoos u eegto.

“Dawladdu waxay ku guul-darraysatay inay kala saarto Dadkii muddooyinka badan soo shaqaynayay ee sugaya in mushahar saddex bilood ahi  uu u soo socdo ee ahaa ciddii shaqaynaysay muddada badan ee sannadkan Shaqaalawday ee gunnooyinkii ay qaadan jireenna laga gooyay ama laga joojiyey, ka dib markii laga dhigay Shaqaale joogto ah ee sugayay Xuquuqdooda iyo Dadka cusub ee la qaadanayo; sida loo kala saarayo ama ay u kala Khusayso hakinta Shaqaalaha cusub ee Madaxweynuhu amray.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Shaqaalaha sannadkan noqday rasmiga ee Laamaha dawladda Somaliland ka hawlgala oo Aftahannews.com la hadlay.

Sidoo kale, Gabadh ka tirsan Shaqaalaha Amarka hakinta qaadashada Shaqaalaha cusub ee Madaxweynuhu saameeyey, balse sannadaha badan dawladda u soo shaqaynaysay oo iyaduna Aftahannews la hadashay, kana gaabsaday inaannu magaceeda baahinno, ayaa tidhi; “Waxaa dalka ka jira Shaqaale kala duwan oo ka hawlgala Laamo kala duwan oo dawladda ah oo aan saddex bilood mushahar iyo gunno midna qaadan oo saddex bilood sugayay Xaqooda, balse hakinta Madaxweynuhu amray saamaysay oo Anigaygani aan ka mid ah, rejo muddo dheer aan qabaynay oo ahayd inaan Shaqaale rasmi ah markii aannu soo gaadhnayna amarkan na saameeyey yimi, waxaana markii 3-dii bilood ee hore March ku dhammaadeen, haddana markii aannu bishan wax filaynay noo xigay hakinta maanta ee Madaxweynuhu cusboonaysiiyey oo aannaan garan karin muddada ay sii socon doonto.”

“Markaa, Shaqaale Qaranka xaq ku leh ayaannu nahay oo Carruuro iyo Qoysas danyar ah u soo shaqo-tegaye, waxaannu dawladda uga fadhinaa in ay kala saarto Dadka cusub ee la shaqaalaynayo iyo Dadkii soo shaqaynayay ee Xuquuqda lahaa sannadaha badanna soo shaqaynayay; siday u kala saari lahaayeen ee ay dadka shaqaynayaa u heli lahaayeen Xuquuqdooda, taas ayaannu dawladda ka codsanaynaa.” Sidaa ayey tidhi Haweenaydaa Shaqaalaha dawladda Somaliland ka tirsan ee Aftahannews la hadashay.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Sharmaarke Muxume Geelle iyo Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen-Dayr, ayaa markii uu soo dhammaaday kulanka Maanta Madaxtooyada ku dhex-maray Madaxweynaha Somaliland Xubnaha Komishanka Shaqaalaha dawladda, waxay hakintan cusub ee aan muddaysnayn uga warrameen Warbaahinta qaarkeed, inkasta oo aanu Guddoomiye Sharmaarke soo hadal-qaadin saamaynta amarka hore ee Madaxweynuhu shaqaalaha dawladda qaarkood ku yeeshay iyo kan cusbi ee maanta saamayntiisa toona, haddana waxaanannu idiinku soo gudbinaynaa Sharmaarke iyo Dayr oo arrimahaas iyo hakinta cusub ee Madaxweynaha faahfaahinaya Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.