Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka oo booqasho ku tegay Masar

Qaahira(Aftahannews):- Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry, ayaa booqasho ku jooga magaalo-madaxda Masar ee Qaahira, si uu ugu dhiirrigeliyo dowladda Millateriga uu taageero ee ku-meel-gaadhka ah inay soo celiso dimoquraaddiyadda.

130302230434_kerry_egypt_visit_304x171_reuters_nocredit

Waa Weftgii ugu horreeyey ee madax heer sare ah oo Maraykan ah uu ku tago booqasho Masar, tan iyo intii xukunka laga riday Madaweyne Maxamed Morsi bishii July. Maraykanka ayaa hakiyay boqollaal Milyan oo lacag gargaar ah oo uu siiyo Millateriga Masar.

Mr Kerry booqashadiisa ayaa timid maalin ka hor intaan maxkamad la horkeenin Mr Morsi, oo lagu eedeynayo inuu guubaabiyay dilka dad ku banaanbaxayay guriga madaxtooyada hortiisa bishii December 2012ka.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.