Shirka Dib-u-heshiisiinta Beelaha Jubbooyinka oo maanta ka baaqday inuu Muqdisho ka furmo

Muqdisho(Aftahannews):- Shirkii  dib-u-heshiisiinta dhinacyada isku-haya gobollada Jubbooyinka oo maanta oo Sabti ah lagu waday inuu ka furmo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa dib u dhacay.

3D65C65A-1AC6-4B7E-BD67-B3C591228607_w640_r1_s_cx0_cy16_cw0

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta dowladda Soomaaliya, Cabdishakuur Mire, ayaa VOA-da u sheegay in dib u dhac ku yimid qaar ka mid ah Ergada shirka ka qeybgali lahayd ay keentay in shirka dib loo dhigo.

C/shakuur wuxuu sheegay in shirku berrito oo Axad ah uu si rasmi ah uga furmi doono Muqdisho. Shirkan waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan ergooyin fara badan, wuxuuna daba socdaa shirkani heshiiskii Addis Ababa ee ay ay wada gaareen dowladda Somalia iyo maamulka KMG ee Jubba.

Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhammeeyo muran u dhaxeeya dhinacyada kale duwan, kadibna lagu jeexo khariidad ama qaabkii loo soo dhisi lahaa maamul rasmi ah oo loo dhan yahay oo loo dhiso gobollada Jubbooyinka.

Inkasta oo uu shirkaasi dhawr jeer oo kala dambaysay dib u dhacay, haddana sida uu Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya sheegay waxa la filayaa inuu Axadda Berri si rasmi ah uga furmi doono magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.