Ujeeddada Shimbir Shiinaha laga soo diray oo Muqdisho soo gaadhay iyo Sida loo dareemay Imashadiisa Soomaaliya

SHIMBIR KA SOO DUULAY SHIINAHA OO SOOMAALIYA YIMI IYO UJEEDKA LOO SOO DIRAY 2016

Muqdisho(Aftahannews):- Shimbirka Meng, ayaa safar dhib badan ka dib nabad yimi, isla markaana hadda ku suganyahay Xeebaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Shimbirkan Meng, ayaa lagu soo xidhay aalad muujinaysa halka uu marayo, ka hor inta aanu ka soo tagin Waqooyiga dalka Shiinaha oo uu ka yimi.

SHIMBIR KA SOO DUULAY SHIINAHA OO SOOMAALIYA YIMI IYO UJEEDKA LOO SOO DIRAY 2016
SHIMBIR KA SOO DUULAY SHIINAHA OO SOOMAALIYA YIMI IYO UJEEDKA LOO SOO DIRAY 2016

Shimbirkan oo uu leeyahay Nin Ingiriiska u dhashay oo ku nool magaalada Beijing ee waddanka Shiinaha, kaasoo Shimbiraha Rabbaysta. Waxaana Shimbirkan la soo diray isaga iyo Shimbiro kale, kuwaas oo loo kala ambabixiyey ama loo kala diray Waddamada Kenya iyo Tanzania iyo Soomaaliya, sida lagu baahiyey qaar ka mid ah Shabakadaha Wararka Internet-ka ee Soomaalida.

Shimbirahan waxaa la soo diray Bishii September ee Sannadkan, waxaanay ku qaadatay in uu mid ka mid ah oo lagu magacaabo Meng uu yimaaddo Soomaaliya masaafo dhan 3,400KM oo aan hakad lahayn illaa Hindiya oo uu Safarkiisa tooska ah ka soo billaabay.

Shimbirka ayaa shalay ka soo dagay Xeebta Muqdisho, waxaana uu weli ku suganyahay Xeebtaas. Ninka Shimbirkan iyo labada kale u soo diray Afrika, ayaa ku sheegay ujeeddada uu ka leeyahay inay tahay mid uu ku horumarinayo deegaanka iyo noolaha kale.

Waxa uu Shimbirkani intii uu ku soo jiray Safarka la kulmay Dabeyl xooggan, inkasta oo uu ugu dambeyntii yimid Muqdisho. Meng, oo ah Magaca Shimbirkan, ayaa macneheedu yahay Shimbirka Riyada, waxaanu ka mid yahay Xayn Shimbiro ah oo uu leeyahay Terry Townshend, oo Shimbire dhaqaaleys Ingiriis u dhashay ah. Waxaanu u dhaqdhaqaaqaa Badbaadada deegaanka iyo Noolaha ku kor nool.

Labada Shimbir ee kale ayaa lagu kala magacaabaa Flappy iyo Skybomb, waxaana Flappy uu joogaa Kenya muddo bil ah isaga oo ka soo hormaray Meng, isla markaana 15 jeer soo galay Sohdinta Soomaaliya ka hor intuunu Meng iman Soomaaliya. Nasiib-darro mar ayaa Flappy laga waayay Sinyaalaha ama Signalka Xogta Keydiya ee lagu socday safarkiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa, inkasta oo dib loo helay markii dambe, ka dib markii uu dib ugu laabtay halkii loogu talagalay oo ahayd Kenya.

Meng, imaanshihiisa Soomaaliya ayaa aad uu u soo dhameeyay Mulkiilaha Shimbirahaas iyo Arday Saaxiibbadiis ah, waxaana imaansha Soomaaliya ee Shimbirkan, aad looga hadlayey Baraha ay Bulshadu ku kulanto ee Internet-ka iyo sidoo kale goobaha ay Bulshadu isugu yimaaddaan ee magaalada Muqdisho oo Shimbirkani Xeebteeda Dalxiiskiisa ku joogo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.