Taliyaha Booliska Gobolka Sanaag Iyo Ciidan Uu Watay Oo Ka Bad-baaday Daad Qaaday Gaadhi Ay Saarnaayeen

Ceerigaabo(Aftahannews):- Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Sanaag Xasan Ismaaciil Gacma-yare, ayaa isaga iyo Ciidammo la socday waxay ka badbaadeen Daad qaaday Gaadhi ay wateen, kaasoo uu daadku ku qaaday Tog la yidhaahdo Dub-Madaxweyn oo ay markaas marayeen.s

Subaxnimadii shalay ayey Taliyaha iyo Ciidanka la socday magaalada Ceerigaabo uga ambabaxeen dhinaca Magaalo-xeebeedda Maydh, isla markaana Duhurnimadii ayaa Baabuurkii ay saarnaayeen Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sanaag iyo Askarta la socday uu Daad kula tegey Tog lagu magcaabo Dub-Madaxweyn oo qiyaastii 3-km Magaalada Rugey dhinaca Xeebta Maydh ka xiga, kaasoo nasiib-wanaag ay Taliyaha iyo Ciidanka la socdayba ka badbaadeen, ka dib markii dadka deegaanku ay u gurmadeen.

Waxaa markii danbe dadka degaankaasi shegeen in xaalad adag uu Taliyaha iyo Ciidankii saarnaaba ay si adag uga badbadeen, balse uu daadku qaaday Gaadhigii ay wateen iyo agabkii u saarnaa. Kuwaasoo lagu soo warramayo inay xaaladdoodu caadi tahay oo aanay wax dhibaato wayn ah qabin.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.