Ha I Weydiin Cashuur aanad Aqoon Maamulkeedda! Qormadii 1-aad

Aqoonyahan Yuusuf Sooraan………Hargeysa(Aftahannews):- Aqoonyahan Yuusuf Sooraan Ismaaciil oo ku takhasusay maamulka Cashuuraha iyo Kastamyada (Tax and Custom Administrator), isla markaana ku diyaariyey shahaadada la yidhaahdo Master-ta ayaa waxa uu soo bandhigay qoraalo muhiima oo la xidhiidha Cashuuraha iyo cidda ay ku waajibtey inay Cashuur bixiso, noocyada Cashuuraha la qaado, iyo weliba qaabka ay Xukuumadu Cashuurta u ruurinayso iyo weliba kaalinta shacabku ku leeyihiin.

Yuusuf Sooraan

Qoraalladan muhiimka ah ee la xidhiidha Cashuuraha oo si taxane ah idinku soo gudbin doonno Shabakadda wararka ee Aftahannews.com, ayaa waxaannu immika idiin soo gudbinaynaa Qeybtii 1-aad ee taxanahan, waxaanu qoraalka koowaad ku bilaabay sidan:

“Dhakhliyada kala duwan ee dowladuhu ku daboolaan kharashaadkooda ay ku horu marin lahaayeen baahiyaha bulshadooda aad ayey u badan yihiin waxaana ka mid ah oo ugu muhimsan dowladnimadu in ay dakhli ku hesho nidaam cashureed (Taxation- the best alternative) waana ta aynu doonayno in aynu ku daah-furno qormadeenan sidaas darteed waxaynu marka hore sharaxaado ka bixin doonaa cashuurta……. u jedooyinkeeda, mabaadideeda, qaybaheeda, qaab-dhismeedkeeda, siyaasadeeda, maamulkeed iyo maraynteeda, ka dib waxaynu eegi donaa haddii ALLE yidhaa maamulka iyo maraynta hayadaheena Somaaliland u qaabilsan cashuuruhu sida ay u shaqeeyaan gaar ahaan Hayada cahuraha bariga Somaliland ( Somaliland inland Revenue Authority) iyo carqaladaha badan ee dul hogaaaya haayadaas. Waxaynu ku soo gabo gabayn donaa haddii ALLE yidhaa talooyin maamul iyo marayn cashuureed oo anfici karta qarankeena Somaliland oo ka yimi hal qof fikirkii oo aad ila qaadan karto ama igu diidi karto .

Cashuurtu waa qadhaan sharci ah oo la donaayo in uu bixiyo qof kasta (oo muwaadin ah ama sifo sharci ah ku degan wadanka) una bixiyo sida uu sharciga wadanku dhigto jidaynaayo, si loogu daboolo Kharashaadka dawlada laamaheed kala duwani galayaan, tusaale ahaan aminiga cafimaadka, biyaha waxbarashada iwm ee dowladnimada laga sugaayo oo dhan. Labad arrimood ee kala ah dakhli cashureed iyo Kharashaadka dowladnimadu ku dabooshay bahiyaha ay door bidayso, sidaas darteed labadan qodob waxay dowladnimadu ku soo uruurisaa oo laga arkaa Miisaaniyada, waxaanad ogataa in dowladuhu ku kala duwan yihiin nooca loo soo samaynaayo misaaniyada, Sidoo kale waxaa lagu kala duwan yahay hab maamulka cashureed.

Arinta aadka u xiisaha badani waxay tahay in nooca loo soo sameeyo misaaniyadu ay samayn togan iyo dadban ku leedahay cashuur bixiyayaasha halka ay hab maamulka cashureed sababi karo in uu dalka ka dhasho musuq maasuuq laba dhinac ah ( madaxda dowlada iyo bulshadba) ama sababi karo bulsho iyo dowlad ku yar yahay aafada musuqu. Qormadeenu u ma socoto in ay ka sheekayso qaab dismeedka misaniyadeed ee aynu u baahanahay ee waxay ku kooban tahay qaybta sare ee misaaniyada oo ah cahuurta iyo maamulkeeda. Sidaas darteed Ujedooyinka iyo mabaadiida cashuurta waxaa ka mid in ay cashuurtu noqoto in ku filnaata kharashaadka dowladnimadu glayso (Raise revenue to meet public expenditure), in ay hoos u dhigto sinaan la’aanta dakhliga (reduce inequality in income), in ay sare u qaado dhaqaala laguna xasiliyo dhaqaalaha (economic growth & stabilization), sidoo kale lagu niyad jabiyo isticmaalka alaabooyinka qaar (discourage consumption of certain commodities). Halka mabaadiida cashuurtu tahay in cashuutu noqoto mid fudud, loo siman yahay, dhaqaale fiican samayn karta, wacyi galin leh, wax laga bedeli karo, la baran karo xiliga iyo inta aan bixinaayo iyo halka aan ku bixin karo.

Haddii aynu ku soo daadegno Qaybaha loo qaybiyo cashuurta waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah cashuurta toosan (direct tax) tusaale ahaan cashuurta laga qaado mushaharooyinka (employee tax) cashuurta wado marista( road tax) iyo cashuurta income tax halka cashuurta labaad ay tahay cashuurta dadban (indirect tax) tusaale ahaan cashurta gadista (sales tax) Dhinaca qaabdhismeedka cashuraadka ma jirto hal qaab dhismeed oo u kala talaaba duwalka oo dhan sababta oo ah waxaa ay ku kala duwan yihiin qaab dhismedkooda dhaqaale (economic structure) xajmigooda maamulka cashureed (capacity to administer taxes) iyo sidoo kale halka uu kaga yaalo dunida ( its location) saddexdan arimood waxad ka ogaan kartaa tusaaale ahaan nooca cashureed ee dalku ku tiirsan yahay tusale ahaan. haddii dhakhliga calaa qof soo galaya uu aad u sareeyo bulshada,( high level per capita income) maamulkiisa cashureedna aad u fiican yahay macneheedu waxaa weeye qaab dhismeedka cashureed ee wadankaasi wuxuu ku tiirsan yahay cashuurta toosan, sababta oo ah dalkaasi inta shaqaysa ayaa badan maalgalinta iyo warshaduhuna way ku badan yihiin sidaas darteed shaqaalaha iyo goobaha badan ee ay ka shaqeeyaaba waxaa laga qaadayaa nooca cashureed ee la yidhaa cashuurta toosan, arinta rogaalkeeduna waxay tahay in dalku ku tiirsanaado cashuuraha dadban oo inteeda badan waxaa lagu qadayaa xadadka waa sida Somaliland oo kale.

Haddii aynu sahaminteena ku sii daadagno waxay tahay oo aynu sharaxaad ka bixino siyaasada cashureed waxay tahay iyo xiliga loo baahdo in wax laga bedelo waxna lagu daro siyaasada cashuurta waxay tahay……

La soco qeybaha kale………..

Yuusuf Soraan MBA Of Tax And Custom Administrator

Graduate Institute of Tax And Custom Administration

Ethiopian Civil Service University

Email: sooran07@hotmail.com