“Muuse Biixi, C/Casiis Samaale Iyo Wasiir..Ayaa Ardaydaydii Ka Mid Ah” Professor Saleebaan

Waa qaybtii labaad ee wareysigii taariikhiga ahaa ee aynu la yeelannay Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud.

PROF SALEEBAN AXMED GUULEED

Qormadan maanta isaga oo ka warramaya xilliga iyo meesha uu aqoonta ku bartay waxa uu yidhi “Sannadkii 1964kii ayaa waxa aan tegay Mareykanka, Jaamacadda Empolio State University ayaan ka soo qaatay degree-gii koowaad waanan soo noqday oo toddoba sanno ayaan shaqeeyay. Iskuulkii Sare ee Camuud ayaan ka noqday maamule, maamule ku xigeen  iyo macallin dugsi sare. Intaas dabadeed Wasaaraddii Waxbarashada ee Dawladdii Soomaaliya ayaan ka noqday Agaasmisaha dugsiyada sare iyo farsamadaba. Kaddibna waxa la ii beddelay Jaamacaddii Lafoole oo aan anigu codsaday.

Waxa aan Lafoole ka noqday bare, kaddibna waxa aan Agaasime madax ka noqday waaxda waxbarashada iyo cilmi-nafsi (department of education and pyshcology), haddana waxa aan ka noqday hormood-ku-xigeen, markii dambena hormood (dean) ayaan ka noqday. Jaamacadda Lafoole waxa aan ka tegay sannadkii 1975kii, kaddibna waxa aan ku soo sameeyay takhasuskaygii Jaamacadeed, waxaanan dib ugu soo laabtay Jaamacaddii Lafoole oo aan ka hawl-galay”. Aqoonta uu Saleebaan Axmed Guuleed soo bartay ee uu kaga hawl-gelayay Jaamacadaha muddada ka badan afartanka sanno waa cilmiga “educational pyshcology.

Professor Saleebaan oo ka warcelinaya su’aal ku saabsanayd inuu ka warramo qaar ka mid ah ardaydii ay wax isku fasalka ahaayeen xilligii uu ardayga ahaa iyo ardaydii uu macallinka ama maamulka u noqday waxa uu yidhi “way badan yihiin. Kuwii aanu isku fasalka ahayn iyo ardayda aan wax u dhigay waxa hadda Hargeysa ishu ay qaban kartaa ardaydii aan wax u dhigay. Ardaydii aan isku fasalka ahayn waxa ka mid ah Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, Ibraahin Shuuriye oo geology-ga jooga iyo kuwo badan oo kale. Intooda badani waxa ay noqdeen qurbe-joog, waxa aan arkayay Cabdi Xuseen Ciise oo isna dhawaan dalka ku soo laabtay. Waxa ka mid ahaa Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Ismaaciil Duse) oo isna jooga laba fasal ayaan u horreeyay.

Raggii iyo ardaydii aan macallinka u ahaa way fara-badan yihiin waanay joogaan oo intaa “ustaad” ayaa la yidhaahdaa waxaana ka mid ah wasiirro iyo masuuliyiin kale. Waxa ka mid ah Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Dr Cabdi Aw Daahir Cali Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Professor Ismaaciil Muumin Aar Wasiirkii hore Hawlaha Guud, Samsam Cabdi Aadan oo hadda aniga wasiir ii ah (Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare), markaa dadku way badan yihiin kuwo hore iyo kuwo dambeba. Raggii aan hormoodka ugu ahaa Lafoole waxa ka mid ah Cabdicasiis Maxamed Samaale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda”.

Iyada oo aan marna la illaawi karin doorka mahuraannimo ee macallimiinta meel kasta oo ay joogaan, waxa aan qormadan dhextaal uga dhigayaa tix magaceedu yahay macallinka oo sheegaysa kaalinta laf-dhabar ee barayaashu inoogu jiraan.. Soona baxday sannadkii 2006-da.

Waxa meerisyadeeda ka mid ah

Maamuus haddii ruux la siin, magacna loo yeeli

“Mansab iyo haddii kaalin sare, midig la saaraayo 

Qof u mudan milgayn loo taxoo, lagu mafsuudsiiyo

Inuu yahay midkii macallinaan, muran ka taagnayne

Miisaanka wuu weyn yahoo, maragyo loo sheegye

Maskaxdiyo wuxuu daaddahshaa, maanka soo koriye

Malaayiin qof buu soo baxshaa, oo muraayad ahe

Barbaartuu halkii midho lehee, uu mankuna buuxo

Geedaha magoolaaya geyn, una miciinaaye

Masaggadu waxay quud u tahay, muruqa waaxyaha’e

Aqoontana naftaa maasha oo, lagu macsuumaaye

Cilmi baa ka soo maaxda oo, lagu majeertaaye

Misbaax weeye nuur faafiyoo, ruux ma mooggana e

Madaxdiyo dadkii talo qabtee, xilalka loo meersho

Isagaa duruustii macaan, muudshay goor hore’e”

Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo aannu weydiinnay xilliga uu ka tegay Jaamacadda Lafoole iyo shaqooyinkii kale ee uu qabtay intii uu joogay magaalada Muqdisho waxa uu yidhi “Xilliyadii dambe waxa aan Jaamacadda Lafoole ka noqday la-taliye, waxa aan sidoo kale la-taliye u ahaa Haayadda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxoontiga ee UNCHR. Jaamacadda Lafoole waxa aan ka tegay xilligii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, walaw aanan xilliyada dambe qaar joogin”

Haddaba halkee ayuu u wareegay Professor Saleebaan Axmed Guuleed markii ay dagaaladdu ka bilaabmeen Caasimaddii Soomaaliya? Shaqooyin noocee ayuu qabtay intii aan dib la Jaamacadda Camuud oo ah tii koowaad ee Somaliland laga furo. Isaga oo taas inoo sharxaya Bare Sare Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu yidhi;” “

La soco qaybta 3aad haddii Alle idmo.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Facebook: Saeed Mohamoud Gahayr Hargeysaawi

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.