Ololaha Cashuur Ururinta Maaliyadda Oo Shalay Simay Xildhibaanno Baarlamaan, Saraakiil Ciidan Iyo Shacabka Hargeysa

“Waan arkayaa inaad shaqo Qaran ku jirtaan, aniguna shaqo Qaran baan ku jiraa. Laakiin, Gaadhi aan cashuurnayni halkan ka bixi mayo xataa hadduu Madaxweynuhu leeyahay wuu xaraysnaanayaa illaa la cashuurayo…”

“Waxaa immika xidhan Laba Xidigle Boolis ah oo Amar-diiddo Sameeyay, Masuuliyiinta Qarankana waxaan farayaa……..Qof sharciga ka weyni ma jiro, cidna kama dhaafayno cashuurta ku waajibtay…” Waraysi Gaar Ah: Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani)

 SAM_0469

“In badan baa Shacabka uun culayska la saaraye, Alla ilehe baga ayaa maanta sharciga loo sinnaaday Madax, Ciidan iyo Shicib-ba…” Qaar ka tirsan Shacab Gaadiidkooda Cashuur la’aan looga xareeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay inaan cidna laga dhaafaynin cashuurta sharciga ah ee ku waajibtay, isla markaana laga dhigayo gaadiidka ay  wataan Masuuliyiinta Qaranku haddii ay yihiin kuwo aan haysan xaashida caddaynta u ah cashuurta waddo-marista ee lixbiloodka dambe ee sannadkan lagu jiro, gaadiidkaas oo ah kuwa aan ahayn kuwa dawladda, balse ah kuwa gaarka loo leeyahay.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda oo shalay isagoo ku sugan Xarunta Kastamka dhexe ee magaalada Hargeysa ee ka soo horjeedka Cusbitaalka guud ee Caasimadda waraysi gaar ah ay kula yeesheen Weriyeyaal ka tirsan Wargeyska Somalilandtoday oo halkaa kula kulmay xilli ay shaqo adagi goobtaa ka socotay shalay gelinkii hore, ayaa ka hadlayay sida ay hawlaha cashuur uruurintu ugu socdaan ku jawaabay iyo in ama masuul ha noqdo ama shicib ha ahaadee qofkasta laga dhigi doono gaadhiga uu wato ee aan cashuurnayn.

“Hawshu way badan tahay, laakiin waannu wadaynaa, cidna ka yeeli mayno inay cashuurta iska bixin weydo, lagana aqbali maayo in qof aan cashuurta bixin inay iska baal-marto, waxaanan dadwaynaha ku baraarujinayaa inay iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay hadday ta waddo-marista ee gaadiidka tahay iyo hadday tahay cashuuraha kale ee Berriga oo dhammaantood hadda dalka oo dhan ka socda, isla markaana ay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Ciidanka Boolisku ka wada-shaqaynayaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Somaliland Mr. Caddaanni oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida ay hawsha cashuur-ururintu ugu socoto.

Wasiiru-dawlaha Maaliyadda oo ka hadlayay ka sida ay ugu diyaar-garoobeen cashuur uruurinta, farriin-na u diray dadwayhana Somaliland qaybohooda kala duwan Madax iyo Shacab-ba waxa uu yidhi; “Waxaan Madaxda dawladda ku adkaynayaa inay sharciga u hoggaansamaan oo ay bixiyaan Cashuuraha ku waajibay, isla markaana ay shaqada ku ixtiraamaan shaqaalaha Maaliyadda iyo Ciidanka Booliska ee ku hawlan ururinta cashuuraha, haddaynaan cashuurta bixin oo aynaan waxeenna yar ururin oo aynaan isku geygeyn waxa aynu haysanno suuragal ma noqonayso inay dawladdu bixiso mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidammadda furinta ugu dib-jiray difaaca dalkan mana dhacayso in la helo Derajadan  Ciidanku qaatay in la helo mushaharkeedii kordhay.”

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey tallaabo ay ka qaadeen Sarkaal Boolis ah oo uu sheegay inuu amar-diiddo sameeyay iyo sida ay ula dhaqmayaan Masuuliyiinta aan gaadiidkoodu cashuurtii waddo-marista ee lix biloodka dambe ee sannadka lahayn waxa uu yidhi; “Mar dhawayd waxaa la xidhay laba Xidigle Boolis ah oo amar-diiddo sameeyay, cidna kaga yeeli maayo inay sharciga baal-marto, waxaad arkaysaa immika inaan ka dhignay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada oo watay gaadhiga aan cashuurtii waddo-marista lahayn, isla markaana uu ka tegay waanu xaraysnaanayaa gaadhigiisu inta uu cashuuranayo. Waxa kale oo aannu ka dhignay cid kasta oo wadata gaadhi aan bixin cashuurtii waddo-marista ee lix-biloodka dambe ee sannadkan.”

“Waxa jirta in immika markii afraad uu gaadhigaygu qaadayo dad waayeel ah oo xanuunsanayay oo gaadhiga siday aanu cashuurnayn oo laga dhigay. Markaa, waxaan mar labaad dadwaynaha iyo Masuuliiinta Qaranka ku adkaynayaa inay cashuurta iska bixiyaan ku waajibtay, waayo? Cashuur la’aanteed dawladi jiri mayso.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani.

Intii ay Weriyeyaasha ka socda Wargeyska Somalilandtoday ku sugnaayeen xarunta Kastamka ee ka soo horjeedka Cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxa ay la kulmeen dad tiro badan oo gaadiid bilaa cashuur ah oo ay wateen laga xareeyey, kuwaasoo ay ku jireen Xildhibaanno Baarlamaanka ka tirsan, Saraakiil Ciidammada ka tirsan iyo dadweyne kale, waxaanay Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidanka ee Baabuurta laga dhigay isku dayeen inay maslaxaad kaga baxaan Deyrka lagu xaraynayey Gawaadhida ee Kastamka, hase yeeshee, Wasiiru-dawlaha ayaa ka diiday inuu maslaxaadda ay rabeen inay ku baxaan ku sii daayo, isla markaana u sheegay haddii aanay cashuuran inaanay bixi karin ee Gaadiidkoodu xaraysnaan doono.

“Waan arkayaa inaad shaqo Qaran ku jirtaan, aniguna shaqo Qaran baan ku jiraa. Laakiin, Gaadhi aan cashuurnayni halkan ka bixi mayo xataa hadduu Madaxweynuhu leeyahay wuu xaraysnaanayaa illaa la cashuurayo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan-Caddaanni oo u jawaabayey Askar iyo Saraakiil Ciidan oo Baabuur ay wateen oo bilaa-cashuur ahaa laga xareeyey waqtigaas oo doonayey in qaab maslaxaad ah loogu sii daayo Gaadhiga

Inkasta oo dadku dhibsanayeen gaadiidka cashuur la’aanta looga xareeyey, haddana dad badan ayaa markay arkeen in Masuuliyiin iyo Ciidammo Baabuurtii ay wateen cashuur la’aan looga dhigay sidooda oo kale, ku diirsaday, isla markaana ku dhawaaqayey weedho ay ka mid ahaayeen; “In badan baa Shacabka uun culayska la saaraye, Alla ilehe baga ayaa maanta sharciga loo sinnaaday Madax, Ciidan iyo Shicib-ba…” erayadaas iyo kuwo la macno ah ayey ka soo yeedhay dad fara badan oo Baabuur ay wateen ku xaraysnayd Deyrka Kastamka Cashuurta, kuwaasoo hor-tubnaa xarunta Kastamka ee Baabuurtoodu ku jirtay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.