“Waxa dhacay waa Inqilaab Xukumadaysan, Madaxwaye Siilaanyo-na dhinac uu la socdo garan mayno..” Masuul KULMIYE ka tirsan

Hargeysa(Aftahannews):- Masuul sare oo ka tisan Xisbiga KULMIYE,ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay waddo inqilaab Xukuumadaysan oo ay ku mijo xaabinayaan hoggaanka Xisbiga, waxaanu masuulkani intaa ku daray inaanay illaa immika garanayn geesta uu la socdo Madaxwayne Siilaanyo dhinacyada isku khilaafsan doorashada hoggaanka Guddiga qaban-qaabada shirweynaha 3-aad ee KULMIYE.

AFTAHANNEWS22111111

Masuulkan sare ee ka tirsan Xisbi Xaakimka KULMIYE oo ka gaabsaday in la shaaciyo magiciisa,ayaa Aftahannews.com u sheegay inay imika balan la leeyihiin Madawxaynaha oo ay ka wada hadli doonaan inqilaanka uu ku eedeeyay inay Xukuumaddiisu  waddo.

Masuulkan ka gaabsaday in la magacaabo oo ka hadlayay eedaynta uu u jeediyay Xukuumadda,ayaa yidhi; “ meesha waxa ka dhacay waxay ahayd inqilaab Xukuumadaysan oo  Rag Xukuumadda ka tirsan ayaa nimankan uruuriyay oo maqsin isugu geeyay waxanna ka shaqeeyay laakiin wax sharci ah maaha wax soconayana maaha waana inqilaab ay wadaan rag Xukuumadda ka tirsan oo aan soconayn”ayuu masuulka sare ee Xisbiga KULMIYE ka tirsan ee ka cudur daartay in la magacaabaa u sheegay Aftahannews.com.

Masuulkan oo ka jawaabayay su,aal nuxurkeedu ahaa inay Madaxwayna is arkeen ama uu wax ka ogyahay dhanka uu la socdo ayaa yidhi:

“Madaxwaynuhu waa gudoomiyaha golaha Xukuumadda raga inqilaabka Xukuumadaysan wadana isaga ayaa u guddoomiye ah markaa ballan ayaanu la leenahay markaasaanan ka wada hadli doonnaa,laakiin imika maba garanaynno dhanka uu la socdo”

Waxaa xilligan ka dhex taagan Xisbiga KULMIYE  xaalad siyaasadeed oo cakiran isla markaana aan la garanayn halka ay ku dhammaan doonto iyo cidda ay guushu ku raaci doonto.

Waxaa laga dhur sugayaa qaabka uu kaga oadyeeyo xiisadda kacsan ee Xisbigiisa KULMIYE Madaxwayne Siilaanyo.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.