Kismaayo oo Bandoo Lagu Soo Rogay iyo Madaxweynaha Jubaland oo Berri La Caleemo Saarayo

Kismaayo(Aftahannews):- Maamulka ku meel gaadhka Jubaland,ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay magaalada Kismaayo taasoo  ka bilaabantay maanta afartii galabnimo laga bilaabo inay magaaladu bandoo talay muddo sadex cisho ah,iyadoo aroorta  oo isniin ahna la Caleemo saarayo oo si toos ah loogu dhawaaqayo Madaxweynaha Maamulka Jubaland.

Maamulka Jubalanad,ayaa sheegay in sababta ay bandooga ugu soo rogeen magaalada inay tahay sidii ammaanka loo sugi lahaa inta lagu gudo jiro xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan(Axmedmadoobe) oo lagu wado inay berrito  qabsoonto iyadoo ay jiraan weftiyo kala duwan oo durba gaadhay magaalada Kismaayo kuwaasoo ka qayb galaya munaasibadda loo qabanyo caleemo saarka Madaxweynaha Jualand

Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo  laga dareemayo magaalada gudaheeda kuwaasoo qayb ka ah sugidda amniga magaalada Kismaayo gudaheeda.

Sarkaal sare  oo u hadlay Maamulka Jubaland ayaa sheegay sababta ay bandooda magaalada ugu soo rogeen.

“Kismaayo waxaa la saaray badow laga billaabo maanta (shalay) illaa labada casho ee soo socota, waxaana sababta bandowgan uu ay tahay sidii loo  adkeyn lahaa ammaanka magaalada intay socoto xaflad lagu caleemo saarayo Sheekh Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha maamulka Jubba oo berri dhacaysa,” ayuu yidhi Darwiish.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Kismaayo ku qulqulaya wufuud iyo ergooyin ka kala imanaya dalka iyo dibediisa si ay uga qeyb galaan munaasibadda caleemo saarka Axmed Madoobe.

Wufuuda magaalada Kismaayo soo gaadhay maanta waxaa kaloo ka mid ahaa Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo xubno siyaasiyiin ah oo  uu hoggaaminayo oo ka soo kicitimay magaalada Nayroobi Xarunta dalka Kenya.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland