Anfariir: Maanso Ka Hadlaysa Qudh-gooyada Suudalka (Tahriibka) Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

SICIID MAXAMUUD GAHAYR

Anigoo dhabannada la haya dhibaatada ka dhalatay doonnidii ku halaagantay badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga ee ay ku le’deen dhallinyarada Somaliland, ayaan arkay hooyo wiilkeedu ka mid ahaa dadkii badda ku naf waayay. Xanuunka aan ilmeeyay ayay hilbaheedii ku weyday. Korkeedana waxa laga dheehanayaa murugo, tiiraanyo, taws iyo tiiraanyo. Waxay diidday inay axan u dhigto wiilkeedii, iyada oo ku doodaysa in aanay cidi indhaha ka qaadin wiilkeedii oo meyd ah. Waa 20kii Abril 2016-ka.

SICIID MAXAMUUD GAHAYR
SICIID MAXAMUUD GAHAYR

Hooyadu waxa ay tidhi “agoonnimo ayaan ku koriyay. Dhar, cunto, biyo, waxbarasho iyo baahi kasta in aan u buuxiyo ayaan u leelleelay. Halkii ay asaaggii ka anfaceen qoyskooda, haddii aanu waxtar lahayn inuu i ag joogo ayaan jeclaa. Xitaa qofku agtaada ku go’o oo aad aasto waad samirtaa. Waa adhax-jab iyo indha-beel. Qaan badan ayaan u galay in aan Magafe ka sii daayo, waxaan u baryo tegay in aan helo adduun uu doonnida ku raaco. Xitaa gurigii aan ku jiray baan iibiyay. Ma garanayo qiilka uu Ilaahay agtiisa ka helayo. Isaga oo amar-diiddo igu sameeyay ayuu galbaday. Diintu maxay ka qabtaa inuu naftiisa biimeeyo? Ma garanayo wuxuu ka dheefayo Yurub, kuwii isaga ka horreeyayba waa qaxoonti xeryo ku jira”.

Maansadu waxa ay ka hadlaysaa sida ay hagardaamadani u hoysay kumannnaan loo han-weynaa. Dhallintana waxa ay ugu baaqaysaa inay kalsooni ku qabaan ciiddooda iyo calankooda. Iyada oo maansada Anfariir ku hal-qabsanaysa Kabtan Siciid Aadan Cabdi oo ah saddex-xiddigle ka tirsan Dugsiga Tababarka Ciidanka Qaranka Somaliland ee Dararweyne waxa ay tidhi:

Kolkii la abuuray

Arwaaxda qudhayda

Markaan ababaabay

Kolkii addinkaygu

Hagaag u istaagay

Markaan jiray ayni

Aqoonta bilaaba

Illaa imakanoonay

Nin oogta bidaar leh

U aabbe ah wiil-san

Intaan jiray uunka

Aroor kasta waa war

Inkaaro xambaarsan

Aroor kasta waa war

Inuu ubax leeday

Ujeeddada sheega

Unuun-go’ xambaarsan

Ugbaadki koraay

Waxaa heshay aafo

Inkaarina waa tan

Aroor kasta waa war

In qaar la af-duubay

Adduun lagu haysto

Ayaan-darro qeexa

Waxaa jira eegga

Dad aan arxamaynnin

Aheey magafow lur

Anfaaci ka doontay

Aroor kasta waa war

Inuu ubadkaygi

Abraararayo geeddi

Alhuumo xusaaya

Siciid Arbe heedhe

Adaa ah ugaase

Ayaanti dhawaydna

Markaan kasay aasha

Adduunka halaagmay

Ilwaadka barbaarta

Biyaa ku idlaaday

Anoo ilmo yaabka

Indhaa ka qubaaya

Anoo anfariirka

La sii argagaaxsan

Anoo magac Eebbe

Haddaan arko saaka

Abboolaha qaaday

Ka goyni unuunka

Ku aar-gudanayaa

Miyaan isha saaray

Aheey ummo hooyo

Ilmii ka xijaabtay

Markaan idhi “aammus

Wax Eebbe qorsheeyay

Ma oolli karaane

Adkee qalbigaaga”

Waxay tidhi “eegga

Anoon arki meydku

Halkuu ku idlaaday

Miyaan axan geeri

Abaabulayaaba”

Ugaasiyo hooyo

Waxay umal leeday

“Agoonnimo baahi

Anoo ku ilaashay

Iniinta tacliinta

Iskuullada beera

Anoo u aroorshay

Wax oogo la saaro

Intaan ka awoodo

Anoo ugu iibsha

Adduun waxan haysto

Anfaaci la quuto

Kiyoon iniq waayin

La eedadin gaajo

Kiyoon uskag daarin

Iftiinka la moodo

Inuu dhalay aabbe

Adduunyo u buuxdo

Adow u yay taajir

Indhuu u malaynnin

Inuu yahay agoonta

Ninkuu ka abqaalmay

La jiifiyay iilka

Kiyon kolna oomin

Ku nool il-biyaysan

Miyaan kolna eegay

Inuu marna aayar

Alhuumo u doonto

Miyaan kolna eegay

Ilaaqda hayaanka

In aadu yidhaahdo

Kumaankun dhig eegga

Xawaaladda aayo

Haddii kale oohin

Ablayda markaan dil

Arwaaxda ka gooyo

Ha uubato baaqin

Miyaan kolna eegay

Inaan ehelkiisa

Arsaaq uga tuugo

Usoo ururshaaydu

Ul bay ku tay ruuxda!

Miyaan kolna eegay

Inaan aqalkayga

U iibiyo hoyga

Miyaan kolna eegay

Inaan u amaahdo

Uluuff kuman doollar

Miyaan kolna eegay

Inuu noqdo aabi

Naftiisa ikraaman

Ku aammina dooni

Haddeer la alluubay

Alwaax jajabaysa

Miyaan kolna eegay

Inuu ajashiisa

Ku aammino biime”

Ugaasiyo hooyo

Waxay umal leeday

“Allaa ah markhaati

Inaan ayaanna

Dhibaato ku eegin

Allaa ah markaahti

Inaan ambaqaadka

Asaaggi ka reebin

Allaa ah markhaati

Inaan dani oodin

Asuuse u dhegaystay

Belaayo orteeda

Allaa ah markhaati

In uu u ilduufay

Iblayska bahdiisa

Allaa ah markhaati

Inuu intixaaryay

Naftiisa irdheeyay

Bal awgiyo sheekha

Imaamyada khayrka

Abbaartan su’aala”

Ugaasiyo hooyo

Waxay umal leeday

“Anoo ku itaalay

Inaan arrinkiisa

Agaasimo waaqay

Miyuu yidhi uur-bir

Baddaa liqday Aadan

If wuu ka socdaalay

Wuxuu galay uurka

Makhluuqa ku uuman

Badaa ubucdooda

Ma saartid il goorna”

Ugaasiyo hooyo

Waxay umal leeday

“Bal uunyaw tilmaama

Mar aakhiro joogto

Muxuu inankaygi

Abaalka mutaysan?

Bal uunyaw tilmaama

Nimaan la eryaynnin

Dagaal ka ordaynnin

Ammaana ku seexda

Arsaaqda la quuto

Siduu yidhi Eebbe

Markaan galno uurka

Ayaa la afgoyne

Nimaan iniq baahan

Adeecinna waalid

Inuu urinaayo

Udgoonka Fardawsa

Bal uunyaw tilmaama

Miyaanu ekaansho

Ahayn dadka naartu

Intay adhax-goyso

Abaartiyo baylka

Abaadi dhexdooda

Bal uunyaw tilmaama

Astaanta tahriibku

Inay ehlu-kheyrka

Ishaar la wadaagto

Amayse jaxiima

Intii u aroori

Dhabtii ifafaale

La cayntay amaaro”

Ugaasiyo hooyo

Waxay umal leeday

“Ilayska la duugay

Miyaan indho waayay

Miyaan adhax belay

Miyay urti duushay

Miyaan dheg ka awdmay

Miyaan addin wiiqmay

Miyaan eber gaadhay

Haddaan arki waayay

Inuu anfaciisu

Naftayda ekeeyo

Miyuu i ag joogo

Haddaan ku adkaysto

Adduunkiyo kawnka

Ayaanta qiyaame

Markaan dacwad oogo

Kumaa abu-kaate

Tolow u ahaanni

Sidii af-hayeenka

Ka leexiya eedda”

Siciid Arbe heedhe

Adaa ah ugaase

Haddaan idilkeenba

Ishaaqsanno meel fog

Hadaan gebi eegno

Iftiin ka baxaaya

Dhulkaa Ingiriiska

Kumaa arligeenna

U awdaya baahi

Adoo ka amiir ah

Dhulkaaga ayaanka

Intaad ka irdhawdo

Agaarka dalkaaga

Abaalka ha siisan

Addoonnimo caydha

Wuxuu ku idlaaday

Asaagga facaagu

Haddaad olol-xiise

Ku uubato doonto

Maxaad istafiidi

Arwaaxdu ma geydo

Sidii agab weel ah

Ilaaqda khamaare

Haddaad ahminkaaga

Abaarta u diiddo

Haddaad ishaankaaga

Usii sahan eegto

Ishaa-falataysi

Insaanka ka reebban

Waxaad tahay aadmi

Ilaah milge siiyay

Ifkaad ka masuultay

Inkaar ha shaqaysan

Ha hoojinnin aabbo

Ha iillinnin hooyo

Walaal ha ka oohin

Adeerkana dhawro

Ha liicin eddooyin

Awowga xushmeeya

Ayeeyo xaqdhawra

Ku faan isirkaaga

Intaad abka laasho

Ajaanib ha dooran

Addoonsiga gaalku

Ayaan-darro weeye

Abaarsiyo Saaxil

Hargeysiyo Awga

Wallee arli Sool ah

Ma siisto Iswiidhan

Anoo ka akhyaar ah

Sanaag iyo Awdal

Intaan ka abraaro

Ma aadayo Rooma

Axyaa waddanaanay.

 Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Facebook:  Siciid Maxamuud Gahayr 

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.