Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukunno kala duwan maanta ku dhawaaqday

Muqdisho(Aftahannews):- Maxkamada gobolka Banaadir, ayaa maanta xukuno kala duwan oo isugu jira dil, xarig iyo ganaax lacageed ku riday 10 ka mid ah 15 eedeysane oo maxkamada la soo taagay.

Dadkan la xukumay oo qaarkood dacwadoodu ay socotay muddo ku dhow 7 bilood ayaa waxaa lagu soo eedeeyey dembiyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen dil, kufsi, tuugo  iyo waxyaabo kale oo xeer ilaalintu ay Maxkamada ka hor akhriday.

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur, ayaa sheegay in Maxkamadu ay dil toogasho ah ku xukuntay sadex ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu helay gacan ku dhiiglenimo.

Afar ka mid ah eedeeysanayaasha ayaa iyana lagu kala xukumay xabsi gaadhaya 3-4 sano iyo ganaax lacageed, waxaana maxkamadu sii deysay hal qof markii caddeyn loo waayey dembiga lagu soo eedeeyey, iyadoo dib u dhigtay  5-eedaysane kiisaskooda  oo aanay soo dhamaystirmin cadaymaha loo hayo dambiyada loo heysto.

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland