Al-Shabaab oo sheegtay inay ku taamayso siday u qabsan lahayd Maraykanka

 Buullomareer (Aftahannews):- kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya,ayaa sheegtay inay ku hammiyayso sidii ay dalalka Maraykanka iyo Uganda uga taagi lahaayeen calanka kooxdaasi ay caanka ku tahay ee uu ku xardhan yahay Tawxiidku.

Sheekh_fuaadSheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo kamid ah saraakiisha sare-sare ee Ururka Al-Shabaab, ayaa maanta hadal hadal uu jeediyay ku sheegay inay diyaar u yihiin in dalalka Maraykanka iyo Uganda ay ka taagaan calanka Tawxiidka kuna xukumaan diinta Islaamka.

“Anaga Hadafkeena waa Uganda ilaa New York inaan ka surno raayada Towxiidka ah Waa hadafkeena Allah ayaana nagu garabgalaya.”Ayuu ydhii Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland