Dawladda Faransiiska Oo Malaayiin Lacagta Yurub Ah Ku Wareejisay Al-Qaaciida

Hargeysa(Aftahannews):- Dawladda Dalka Faransiiska ,ayaa Al-Qaaciida ku wareejisay Malaayiin lacagta Yurub ah,lacagtaas oo ay gacanta u galisay    Al-Qaacidada dalalka Waqooyiga Afrika ee lagu magacaabo , Al Qaacidada Maqribul Islaami,taasoo lagu kala iibsaday maxaabiis lagu bixiyay malaayiin lacagta Yurub ah,taasoo lagu sii  lagu sii daynayo  maxaabiis Faransiis ah oo gacanta ugu jiray Al-Qaaciidada ka dagaalanta dalalka Waqooyiga Afrika.

euros-loads-of-money

Raysalwasaaraha dalka Faransiiska Francois Hollande  iyo Wasiirkiisa Gaashaandhigga Jean-Yves Le Drian,   ,ayaa ka wada qayb galay xaflad lagu qabtay dalka Naiger oo lagu soo dhawaynayay maxaabiista ay Al-Qaaciidada Maqrib gacanta ku haysay oo muddo badan u xidhnaa madax furasho ay ka doonayeen kooxaha gacanta ku hayay,taasoo  ay in badan ka dhego adaygayeen inay wax lacag ah ku bixiyaan sii daynta maxaabiista laga haysto Dawladda Faransiisku..

Munaasabad ka dhacday magaalada Niyami ee xarunta dalka Naiger, ayaa lagusoo bandhigay sedax  maxbuus oo Faransiis ah oo waqooyiga Afrika laga qafaashay sanaddii 2010-ka xilli ay tamashle u joogeen dhulka saxaraha Afrika.

Raysalwaaaraha Faransiiska iyo Wasiirka Difaaca wadankaasi ,ayaa socdaal dedeg ah ku tegay wadanka Naiger  si ay goob joog uga noqdaan sii daynta maxaabiista reer faransiis oo lagu soo furtay adduun dhan 25 milyan oo lacagta yurub ah.

Wakaaladda wararka AFP oo soo xiganaysa dad diiday in magacooda la shaaciyo, ayaa sheegtay in 25 Milyan oo lacagta Yurub madax furasho ahaan loo siiyay Al-Qaacidada Maqribul Islaam.

Warbaahinta dalka Muritaaniya ayaa iyana xaqiijiyay in Al Qaaciida lacag adag ay ka qaadatay Faransiiska talaabadaasi oo khilaafsan qawaaniinta u degsan reer galbeedka oo dhigaysa “Inaan maaliyad iyo saad Millatari midnaba la siin Karin kooxahah argagixisada ah.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.