Madaxweynaha Somaliland oo Siilaanyo oo Safar dheer ugu baxay Faransiiska iyo dalal kale

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxanuud Siilaanyo iyo Wefti uu hoggaaminyao, ayaa maanta socdaal ugu ambabaxay dalalka Itoobiya, Faransiiska iyo Ingiriiska.

IMG_0178-300x200

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa socdaalkiisa dalka Faransiiska ku sheegay mid ay marti qaad rasmi ah oo ay dalkaas ka heleen,waxaanu intaa ku daray in safarkaasi uu yahay mid Somaliland muhiim u ah oo lagu sii xoojinayo xidhiidhka labada dal.

Madaxweyne Siilaanyo oo la weydiiyay waxa laga filan karo wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya,ayaa ku jawaabay.

“Waxaan ummadda u sheegayaa in shirarkaasi sii soconayaan oo wadahadaladu inoo soconayaan laakiin Somaliland waxay doonaysaa waa masiir ummaddeed oo ah aqoonsigeeda oo ay xaq u leedahay mid la bedeli karona maaha xukuumadduna kaasay ku hoggaaminaysaa dalka iyo dadkaba.”

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland