Hargeysa:Nin Dhawr Jeer Diin -cay Lagu Xidhay Oo Toorriyeeyay Mid ka Mid Culimada Wanaag Farista

Hargaysa(Aftahannews):- Nin dhawr jeer lagu xidhay diin-cay,ayaa shalay maqribkii ku toorriyeeyay magaalada Hargeysa mid ka mid ah Culimada wanaag farista iyo Xumaan reebusta oo hore la sheegay inay ninka wax toorriyeeyay ugu xidheen dhaqan-xumo, sida uu Aftahannews u xaqiijiyey Taliye Ku-xigeenka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Fooxle.

Sheekh Maxamed Haybe oo ka mid ah Culimada Wanaag Fasita iyo Xumaan Reebista ee magaalada Hargeysa ayaa maanta  maqribkii Muxaadiro diini ah oo ku saabsan Mawliidka Nebigga(SCW) ka jeedinayay Khayriyada Hargeysa horteeda,ayuu nin hore ay culimada wanaag faristu ugu soo xidheen diin cay iyo dhaqan xumo uu ku weerayay toorri sida uu sheegay taliye ku-xigeenka booliska Somaliland  Sarreeye Guuto  Cabdiraxmaan Liibaan Axmed(Fooxle) oo waraysi kooban khadla Taleefanka ku siiyay Shabakadda Caanka ah ee Aftahannews.

“Ninku wuxuu ahaa mid dhawr jeer oo hore ay culimadda wanaag farista iyo xumaan reebistu diin-cay ku soo xidheen oo ku caan ahaa diin-cayga iyo afxumada,markaa  caawa maqribkii ayuu sheekha oo muxaadiro jeedinaya ku weeraray Toorri taasoo laba meelood kaga dhacday.”ayuu yidhi Taliye ku-xigeenka booliska Somaliland Sarreeye Guuto.Cabdiraxmaan Liibaan Axmed(Fooxle) oo u warramayay shabakadda Aftahannews.com

Waxaanu intaa ku daray Taliye ku-xigeenka booliska Somaliland,isagoo hadalkiisa sii wata.Sheekhuna wax weyn ma qabo oo laba meelood oo aan sidaa u weyneyn  ayay kaga dhacday toorridu oo kala ah suulka  iyo halka ay iska galaan gacanta bidix iyo garabku oo aan wax weyn ahayn waanu sheekaynayaa oo xaaladiisu wey wanaagsan tahay,ninkaa falka geystayna gacanta ayaanu ku haynnaa oo markiiba waa la qabtay baadhistiina wey noo socotaa.” Ayuu  yidhi Taliye ku-xigeenka Ciidanka booliska Somaliland Srreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed(Fooxle).

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland