“Qaranka Wey ka go,antahay In Aanu dalka Fidnayn Qof Gacan Ku Dhiigle Ahi.”Wasiir Caddaani

Jidhaan-buul(Aftanannews):- Laba Beelood oo dhawaan oo maalmo ka hor ku diriray deeggaanno ka tirsan gobolka Sool, ayaa maanta  la isugu keenay deegaanka loo yaqaanno Jidhaan-buul oo ka tirsan deegaanka Oog sida uu Wasiiru-dawlaha Maaliyadda oo Wefti Xukuumaddu u dirtay ka tirsani u sheegay Shabakadda Aftahannews galabta.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo ka mid ah Wefti Xukuumadda ka socda oo maalmahanba socdaal ku joogay deegaannada dirirtu ka dhacday, ayaa sheegay inay isu keeneen  odayaasha labada beelood ee dirirtu dhex martay, isla markaana la dhaariyay wax garadka labada dhinac nabaddana la wada qaatay  dhanna looga soo wada jeedo cid kasta oo wax geysata.

Wasiiru-dawlaha Maaliyadda ee Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiidm (Caddaani) oo waraysi gaara khadka taleefanka ku siiyay Aftahannews, ayaa intaa ku daray in ciidanka Qaranka Somaliland ay amar ku qabaan inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo ciidan ahaan isu abaabusha  oo la arko.

Ugu horrayn Wasiir Caddaani oo la wediiyay su,aal ahayd halka ay hawshu u marayso  iyo waxa u qabsoomay illaa immika, waxaanu ku jawaabay; “Meel fiican ayay noo maraysaa illaa intaanu nimina waxaanu ku jirnay kulamo aanu dhinacyada la yeelanaynay oo waxaanu isaga dab qaadaynay deegaanka labada beelood,imikana waxaa la isu keenayaa Maanta odayaasha labada dhinac oo qolo wala waxaa laga dhaarinayaa 25 oday oo ah wax garadka ay talada beeshu ka go,do,dhan kastaana wuu qaatay nabadda.”

Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo la weydiiyay waxay dawladdu ka yeelayso nabadda dalka oo ku xidhanqof qori sita oo dil geysta, taasoo mar kasta sabab u noqota in laba reer ay isku dhacaan, waxa uu yidhi; “Horta, waxaa dhibaato ah oo if iyo aakhiro seegba ah marka koobaad qudh-gooyada,oo ah mid lagu naar gelayo,waxaa kaloo taana ka sii daran marka qof cid dilo ee uu gacan ku dhiigle yahay maaha in la qariyo ama dabada uu reer galiyo ee waa in la soo qabtaa oo gacanta Dawladda la soo geliyaa si sharciga loo mariyo,waxaa kaloo dadkeenna dhibaato ku haysa oo ah  jawaab xun oo lagu naar gelayo qof wax dilay marka ciddii uu wax ka dilay iyaguna inay qof kale oo Muslim ah oo aan waxba galabsan inay ugu aaraan oo loo dilo aano aanu waxba ka ogayn,markaa imika waxaanu isla qaadanay labada dhinacba inaan horta gacan ku dhiigle la qarin ta labaad inaanay dhicin cid aano loo dilaa iyo in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo dhibaato wadda.”

  Wasiir Caddaani oo la weydiiyay waxa Xukuumad ahaan uga meel yaal inay arrintan ku dhameeyaan, ayaa ku jawaabay; “Qaranka wey ka go,antahay inaanu dalka fidnayn qof gacan ku dhiigle ahi sababtoo ah qofka gacan ku dhiiglaha ahi cidna maaha waana dambiile, sidaa darteed waxaa naga go,an  Xukuumad ahaan in gacanta lagu qabto oo aanu baxsan qof wax dilay,midda kale waxaanu dadka reer Somaliland mar walba u sheegaynaa inaanay iyagu gacantooda ku fushan sharciga oo ay Dawladda u daayaan dhibku marka uu dhoco wax ka qabashadeeda,iyo ta kale ee aanu ku dar daaraynno bulshada Somaliland waxay tahay inaan la qarin ama aan reer ahaan loo difaacin ama la isugu gudbin gacan ku dhiigle.”

Ugu dambayn Wasiirudawlaha Maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid(Caddaani) oo la weydiiyay  tallaabada laga qaadayo haddii la arko ciidan beeleed hubaysan oo is abaabulaya iyo cidda jabisa heshiiska ay wada gaadheen labada beelood ee ay Xukuumadduna goob joogga ka tahay, waxa uu ku jawaabay; “Horta, labada beeloodba wey wada qaateen nabadda,waana la isla gartay in tallaabo adag laga qaado cid kasta oo ka hor timaadda heshiiska la wada qaatay,waxaanan illaa maanta(shalay) oo noo ahayd afar cisho aanu ku guda jirnay sidaanu u daweyn lahayn dhibaatada dhacday iyo inaanay wax dambe soo noqon, meel kastana  imika waxaa ku sugan oo jooga oo ammaanka gacanta ku haya Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku ammaanan sida ay uga hawl galeen,cid kasta oo isku dayda inay wax yeellayso nabaddana waxaa Xukuumadda ka go,an in tallaabo adag laga qaado.”

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland