Jidka Isku Xidha Hargeysa Iyo Berbera & Farqiga u dhaxeeyay laba socdaal oo aan ku maray

Mustafe Cismaan C/Raxmaan (Mustafe-Teacher)……Waddooyinku waxay ka mid yihiin Quruxda iyo Astaamah Dawlad kasta iyo Dal walba ugaar ka ah, waxana waddan kasta waddanka uu ka waddooyin wacan yahay lagu tilmamaa inu ka horumarsan yahay dhinacyada Bilicda iyo Baaxadda inta-ba.

DSC00648-225x300

DSC00675-300x225

Haddaba, Waxaan Qormadaydan Saaka si waafiya ugaga hadli doonaa Dedaalada ay xukuumadda Somaliland wakhtigan ugu jirto horumarinta jidadka iyo laamiyada Halbowlaha u ah qaranka oo muddo ku siman 22 sannadood oo qarankani jirey aan helin wax dayactir iyo samayn ah.

Waddooyinka iyo Laamiyada waaweyn ee isku xidha Gobolada iyo degmooyinka Dalku waxay ka mid yihiin waddooyin ay dhiseen Dawladi shisheye, sida ingiriis, China iyo Dalal kale oo addunka ah, kuwaso dhaqaale badan iyo wakhti badan ku bixiyey dhismaha jidadkaas, iyadoo waddamada yaryar ee afrikaanka ah intooda badan ay sidanoo kale waddooyinkooda ugu dhiseen dawlado awood dhaqaale oo badan leh oo ka mid ah dawladaha ugu waaweyn ee caalamka.

Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa Waddanka taladiisa la wareegtay iyadoo aan wax horumar ah ama tallaabo ah laga samayn dhinaca jidadka waweyn ee dalka isku xidha, waxana jidadki hore u jirey ee waddamada shisheeye iyo dawladihii hore ee SOMALIA dhiseen ku yimi Burbur xooggan halka qaarkood baaba’een ba oo isuba bedeleen waddooyin raf ah ama ciid ah.

Waddo xumada iyo burburk jidadku waxay la kowsanayeen xukuumad kasta oo dalka taladiisa qabata 22kii sanno ee qarankani goonida u taagnaa, waxayna xukuumaddani noqotay xukuumaddi ugu horeysay ee wax ka qabata awoodeedana isugu geysa dib u soo celinta bilicdii waddooyinka, waxyna bilowday Dhismayaal iyo dayactir is barbar socda oo lagu samaynayo jidadka iyo laamiyada isku xidha Dalka.

29kii June 2013 subax sabti ah 6:00Subaxnimo ayay ahayd markii uu gaadhi gaar ah oo an lahaa oo ah Nooca loo yaqaan NOAH igula dhacay Jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargaysa oo ah xarunti qaranka laga maamulayey ee madaxtooyada dalka iyo xaruntii dhaqaalaha Somaliland, taaso ah waddada ugu socodka iyo dhaqdhaqaaqa badan waddooyinka Somaliland oo dhan.

Waddadaas oo qabta kumannaan magac, maamuus iyo milgo ku lahaa qaranka iyo bulshda dhexdeedaba isla markasna Baabuurtoodii kula dhaceen, qaarkoodna Daad ku qaadeen jidkaasi, waxana jidkani ahaa jidka ugu jidadka ama waddooyinki hore u jirey ee la isticmaalo, wuxu aha laami aad is odhanayso markaad marayso yaan dib u soo marin, wuxu ahaa laami aad intad dul marayso, hiiftan iyo habaartan ku dul marayso, wuxu ahaa laami adigoo cadhaysn aad ka baxayso ama ka dhammanayso kantaroolka ugu horeeya haddii cashuur lagugu waydiiyo na aad ku ciil baxayso kuwa cashuurta ku weydiiya oo ad arkayso inay baburtoo dhan is haystan , iyagu odhanaya “waanu bixinyna ee waddadan naga hagaaajiya” ciiidanka kantrolka joogana jawaab qancisa qofka may siin jirrin ama waabay ka aamusi jireen, waxana baabuurta Burco,iyo Hargeysa ama Berbera iyo hargeysa isaga kala gooshtaa ku qabeen dhib u badan Burbur gaadhi, dad wax ku noqda iyo silic uu ku maro waddadaas, waxay ahayd waddo aan LAAMI ahayn RAF na ahayn oo nooc alla nooc ad ugu socoto ama ugu xisaabtanto aanad garanayn.

Waddadas ayaan dib u mray 100 maalmood kadib wakhtigii shilkasi isoo gaadhay waxana ka muuqday is bedel xooggan oo aad farxad ku soo gelayso hargeysa, is bedelkas waxan ugu imi degmada Dacarbudhuq illaa intii an hargeysa gelayey, waxan ku soo noqday maalmo kooban kadib iyadoo sii dhaafaysa degmada dacarbudhuq oo shaqaalihii iyo qalabki ka shqaynayey ba ku jiraan, waxayna u muuqatay mid sannadkan gudihiisaba afka looga gelinayo magaalada berbera, shaqaalihii iyo ciidamadii kantarolku qof kasta oo ay cashuurta waydiinayeen waxay kaga qaadayeen ereyo ay kaga gar joogeen oo ahaa “waddadan ayaa lagugu dhisayaa socota ee keen sxb” waxaso dhan marka laga yimaado waxa xuskeeda iyo xusuustaada leh waddada ceerigaabo oo iyadu ahayd waddo raf oo buuro iyo dhagax ah, waddadaas oo xukuumadihi dalka soo maray oo dhami u arkayeen inaan dawladda Somaliland dhisi Karin marka la aqoonsado iyado dawlado shisheeye dhisa mooyee, waxa ku dhiiratay wadadaas oo bilowday dhismaheedi iyo qadhaan ururinteedii ba xukuumada madaxweyne Siilanyo.

Wasaaradda Madaxtooyada oo lahoos geeyey hay’addii waddooyinka ayaa si weyn uga shaqaysay waddooyinka muddadii ay gacanta ku haysay hay’addas, waxana qof kasta oo soo mara jidkaas isku xidha Berbera iyo Hargaysa uu aad ugu riyaaqaya sida loo qurxiyey iyo sida aanad uga werwerayn wax shil ah oo kugu yimaada wixii ilaahay qorey mooye, waxanu mrkiiba qofku maskaxdiisa gelinayaa in inta hadhayna xukuumaddu soo gaadhsiinayso oo burbur wixi u dhexeya dacrbudhuq illa berbera na la dhammaystiri doono maadama bilo kooban ay halkaas ku soo gadhay iminkaba.

Gunanadkii Qormadaydan waxan Bulshda ku baraarujin lahaa in la soo arko oo la maro oo laga qaybqaato horumarka jidadka iyo lamiyada ay xukuumaddani ka bilowday, la iskana ilaliyo in wax wanaagsan iyo wax xunba la hor istago ee wixii dan u ah dalka iyo dadka an la hor istagin ee la bogaadiyo, lagana qaybqaato, masuulka hadba faraha ku haya arrimahaas na lagu ammano, laguna sii dhiirigeliyo,wayo dhiirigelinta iyo bogaadintu waxay qof kasta ku samaysaa saamayn waxayna ku kordhisa dedaal dheeraad ah oo ka badan intii hore. Wabilaahi Tawfiiq.