Ka Bogo Heesta Cusub ee “iiga Hiili) iyo Codka Macaan ee Cabdikariin-yare

Hargeysa(AFNS):- Waxaannu Qaybteenna Dhaqaanka iyo Suugaanta ee Warbaahinteennan Aftahannews, idiinku soo gudbinaynaa mid ka mid ah Heesaha cusub ee soo baxay sannadkan 2016-ka, Heestaas oo Hal-ku-dhiggeeda la yidhaahdo “IIGA HIILI”, taasoo uu ku luuqaynayo Fannaanka codka macaan ee Cabdikariin-Yare oo ka mid ah Fannaaniinta ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee Somaliland.

Erayada Heesta “Iiga Hiili” waxa hal-abuuray ama Curiyey Maxamed Xuseen Cabdi  (Qaalib), waxaa habka Laxanku u dhacayo ku ladhay Cabdicasiis Ikalaaji, Musiga Macaanna waxa raaciyey Maxamed Xaaji Xasan, waa soo saarista 3M Media Production Studio oo ku yaalla magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland. Heestaas oo aan u baahnayn in faallo badan laga bixiyo aan idiin kala baxo ee kaga bogta Muuqaal-dhegaysigan Hoose:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.