Rabshado Gilgilay Jabuuti, Dawladda oo lagu eedeeyay Dilka 15 Shacab ah, Dhaawaca Askar badan & Wararkii u dambeeyay

JAMHUURIYADDA JABUUTI

Jabuuti(Aftahannews):- Khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira, ayaa ka dhashay iska hor-imaad Isniintii Maanta dhex-maray Ciidammada Ammaanka iyo Dad Shacab ah oo Xuska dhalashada Nebigeenna Suubban ee Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee (CSW) ku qabanayey Xaafadda Balbala oo ka tirsan Caasimadda Jamhuuriyaddaas ee Jabuuti.

JAMHUURIYADDA JABUUTI
Muuqaalka Bannaan-baxa Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti

Rabshadahaas oo bilaabmay Afartii Subaxnimo ee Maanta, ka dib markii Ciidammada Boolisku isku dayeen inay Dadweynaha ka dhex qabtaan Siyaasiyiin Mucaarad ah oo lagu eedeeyay inay Dadweynaha kicinayaan, ayaa waxa ku dhintay illaa 15 qof oo rayid ah, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti, waxaana jira dhaawacyo aan tiradooda la ogeyn.

“Dad sidii dhaqanku ahaa Mawliidka Nebiga dhigayey, ayaa Saaka Afartii subaxnimo la wareeray oo Ciidammo loo diray, waxaannu caddeynaynaa inay dhinteen 15 qof oo Shacab ah.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti ee USN Cumar Cilmi Khayre oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Guddoomiye Ku-xigeenka oo la weydiiyey inay jirto dhibaato kale oo horseedday in Dadweynuhu kacaan, ayaa Rabashadda ku saleeyay inay ku taxan tahay naceyb dadweynuhu u qabaan Madaxwayne Geelle oo xukunka Jabuuti ku raagay, isla markaana doonaya inuu markii afraad Madaxweynennimo u tartamo 2016-ka.

“Illaa Saddexdii bishan aynu ku jirno ee u dambeeyay waxa dalka ka socday dhibaatooyin Siyaasadeed, waayo? Ninkaasi (Ismaaciil Cumar Geelle) waxa uu doonayaa inuu dalka sii haysto, dadkuna waxay illaa wakhtigaa lahaayeen Walaaloow dalka si nabad ah kaga tag. Markaa, taas ayaa keenayay geadoodka iyo Dhimashada, laakiin, dadweynuhu ma haystaan Rasaas ee waxay haystaan dhagax.” Sidaa ayuu yidhi Cumar Cilmi Khayre.

Balse, Taliyaha Booliska Jabuuti Cabdillaahi Cabdi Faarax oo isaguna la hadlay BBC-da, ayaa ku dooday in Siyaasiyiinta Mucaaradku Masuul ka yihiin dhibaatada dhacday, isla markaana dhallinyaro balaayo moog ah ku dhiirrigeliyeen inay dawladda la dagaallamaan.

Taliyaha Booliska oo la waydiiyey waxa ka jira in Boolisku dilay illaa 15 qof oo Rayid ah markii ay rabshaduhu bilaabeen, ayaa ku jawaabay; “Siyaasiyiintii waxan abuuray, ayaa ka sheekaynaya (Inay Dad dhinteen), laakiin arrintani waxay ka bilaabantay Rag Siyaasiyiin ah oo doonaya inay dalka Qalalaase ka abuuraan oo gudaha iyo dibadda Dalka jooga oo la is lahaa si nabad u qabta, ayaa Dadku ku raacay (nabadgalyo daro).”

Waxaanu Taliyaha Booliska Jabuuti intaas ku daray oo uu yidhi; “Meesha waan joogay oo wax dhimasho ah Indhahayga kuma arag ee waan maqlay uun, Dadkaasi Rasaas bay nagala hor-yimaaddeen oo waanu u adkaysan kari-waynay oo waanu u jawaabnay, waayo? Illaa waxa la damcay in aniga la i dilo oo ILLAAHAY I garab mariyey, Askarigii ilaalada ii ahaa ee garab joogayna Gacanta ayaa lagaga dhuftay Rasaas.” Taliyaha Booliska oo la waydiiyey tirada Askarta dhaawacmay, ayaa yidhi, “36 askari bay Rasaas ku dhacday, waxaana ku jira nin Sarkaal.”

Dawladda iyo Mucaaradka Jabuuti, ayaa mid ba dhinac ku eedeeyey Masuuliyadda Rabshadahan khasaaraha badan ka dhashay, waxaanse aan jirin cid madax-bannaan oo laga xaqiijin karo dhibaatadu inta ay leeg-tahay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.