Booliiska Madaarka Berbera oo xidhay laba Gaadhi

Berbera(Aftahannews):- Ciidanka Ammaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, ayaa la sheegay inay xidheen laba Gaadhi oo ay leeyihiin Shirkadaha qaatay Qandaraaska dib-u-dhis lagu samaynayo qaybaha Madaarkaas.

burco23

Labada Gaadhi ayaa qayb ka ah mashruuca dib-u-dhiska Madaarka Berbera oo ay dhaqaalaha ku baxaya bixisay dawladda Kuwait, waxaana loogu talo-galay in loogu adeego mashruuucaas oo lagu wado in uu dhammaado sannadka cusub ee 2014 horraantiisa.

Sababta loo xidhay illaa iyo hadda Booliiska iyo Xukuumaddu kamay hadal, hase yeeshee ilo-wareedyo u dhuun-daloola xidhitaanka Baabuurtaas, ayaa sheegaya in loo xidhay khilaaf ka dhex-dhashay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo dalbaday in Wasaaradda lagu soo wareejiyo Gaadiidkaas.

Waxay wararku intaa ku dareen codsiga Wasiirka waxa ka biyo-diiday Shirkadda Itoobiyaanka ah ee Teleleberham Ambaye oo dhisaysa Madaarkaas oo la sheegay inay ku guulaysatay qandaraaska lagu bixiyay dhismahaas, waxaana la sheegay inay ku doodayaan in aanay wareejinayn labadaas Gaadhi illaa inta ay ka dhammaynayaan hawsha Dhismaha Madaarka oo wakhtigii loo qabtay uu ku eg-yahay bisha January ee sannadka foodda innagu soo haya ee 2014-ka.

Inkasta oo sidaa wararku sheegeen haddana weli si rasmi ah looma hayo sababta soo dedejisay khilaafka soo kala dhex-galay Wasiirka Duulista Somaliland iyo Shirkadaha gacanta ku haya dib-u-dhiska garoonka diyaaradaha Berbera, oo la sheegay in heshiisku ahaa inay Shirkadaha qandaraasay dib-u-dhiska Madaarku marka ay shaqada dhammeeyaan bisha koowaad ee sannadka 2014-ka gaadiidka iyo qalabka kala duwan ee Mashruuca dhismaha oo Kuite bixisay ka dib lagu wareejiyo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, waqtigaas oo aan weli la gaadhin.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.