Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay Wakiil ka socda Qaramada Midoobay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa maanta kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada Hargeysa  Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabbilsan horumarka iyo xuquuqda Aadamaha oo booqasho ku yimi Hargeysa, kaasoo uu Madaxweynuhu Xafiiskiisa si diirran ugu qaabbilay.

weftiga-QM

Madaxweynaha-iyo-sarkaalka-QM-300x243

Madaxweynuhu waxa uu Xafiiskiisa ku qaabbilay Wakiilka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabbilsan dhinaca Horumarka iyo Bini’aadanimada ee Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Philippe Lazzarini.Sarkaalkan oo shalay ka mid ahaa wufuud Somaliland u timid sidii loo qiimayn lahaa iskaashiga Somaliland, qaadhaan bixiyeyaasha iyo Hay’adaha caalamiga ah.

Madaxweynaha iyo Sarkaalkani waxay ka wada hadleen sidii loo sii adkayn lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, sida uu shaaca ka qaaday Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

weftiga Qaramada Midoobay.

Wasiirku waxa uu sheegay inay u gudbiyeen qarrammadda midoobay aragtidooda la xidhiidha maamulka hawada sare oo uu tilmaamay in Soomaaliya ka baxday heshiiskii arrintaasi ay sida wada jirka ah uga wada gaadheen.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.