“Isbahaysiga Musharraxiinta KULMIYE wuxuu sii wadayaa hawl-gallada uu kaga soo horjeedo boobka & talo-maroorsiga” Xuseen A. Caydiid

Hargeysa (Aftahhanews) – Musharraxiinta Isbahaystay ee Qaadacay Shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa sheegay inay sii wadayaan hawl-gallo ay sheegeen inay kaga soo horjeedaan Sharci daro ay sheegeen inay ka jirto Xisbiga KULMIYE, waxayna mar kale eedaymo u jeediyeen Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo Warbaahinta u akhriyey bayaan ay ka soo saareen xaaladihii u dambeeyay ee Xisbiga KULMIYE iyo Mowqifkooda, ayaa ugu horeyn isaga ka hadlaya saddex arrimood oo uu tilmaamay inay caddaynayso qaladaad uu Madaxwaynuhu galay intii lagu jiray qaban-qaabada Shirka Golaha dhexe, “Madaxwaynuhu wuxuu yidhi waan isa sharraxi karaa, cod baan leeyahay oo cid baan siin karaa haddana wuxuu sheegay inuu dhex yahay iyo Gacan taaggiisii uu dadkaba ugu horeeyay ee uu yidhi I eegta, waxaasi wax is qabta miyey tahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Sida Ciidanka loogu adeegsaday iyo sida kaadhadhka loo booba’yey Musharraxiinta isbahaystay hadday tagaan miyey noqon lahayd meel ay ka tartamaan? Maya ayaanu u aragnay oo go’aankii ugu fiicnaa ayuu garabkani gaadhay.”

Xuseen

Xuseen Axmed Caydiid waxa uu tilmaamay in Shirka KULMIYE uu ahaa Xaaraan, “Shirkaas in Xaaraan lagu sifeeyo mooyaane wax kale muu ahayn, wax aka soo baxaana uu ahaan uun Xaaraan, sidaa daraadeed Isbahaysiga Musharraxiinta KULMIYE wuxuu caddaynayaa inuu sii wadayo hawl-gallada uu kaga soo horjeedo boobka, Qabyaaladda, Sharci darada iyo talo-maroorsiga, laguna xaqiijinayo wada tashiga, dimuqraadiyadda iyo ku dhaqanka xeerarka Xisbiga.”