Dalka Faransiiska oo ka hadlay weeraradii Muqdisho

Paris(Aftahannews):- Dowladda Faransiiska,ayaa sheegtay inay sii wadayso taageerada ay u hayso dalka Soomaaliya,waxaanay dawladda Faransiisku tilmaantay inay sii xoojinayso taageerada ay siiso Dawladda Soomaaliya kana caawinayso dhinacyada tababarada ciidanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Dawladda Faransiisku waxaa kaloo ay ka hadashay qarixii ka dhacay Hotel Jaziira ee magaalada Muqdisho,kaasoo ay sheegtay Dawladda Faransiisku inuu ahaa md aka mid ah dagaalada ay kooxaha  argagixisadu ku soo qaadeen Muqdisho,waxaanay intaa ku dartay Dawladda Faransiisku inay sii wadayaan la dagaalanka Argagixisada eek u sugan Soomaaliya.

“Dawladda Faransiisku waxay sii kordhin doontaa taageeada ay siiso dawladda dalka Soomaaliya, oo ay ka taageeri doonto dhinacyada tababarka ciidammadda iyo la dagaalanka argagixisada.”ayuu yidhi masuul sare oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibada Faransiiska

 

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland